Thursday, September 27, 2007

SHIIKH AXMED YAASIIN OO REER BERBERA U CADEEYEY IN UU MADAXWEYNA XUSBIGA UDUB AH KA SHARAXAN YAHAY?

(Waridaad) - Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Shiikh Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa habeenkii Arbacadu soo galaysay ee bishu ahayd 25/09/07 magaalada Berbera u yimi furitaanka Warshada Laydhka Berbera iyo dhagax dhigida xero xoolaga lagu baadho ( Maxjarka) ama lagu hakiyo inta maraakiibta la saarilahaa loo diyaarinaayo.

Shiikh Axmed Yaasiin furitaanka xarumaha dawlada kadib ayuu shir isugu yeedhay odayaal iyo wax garad ka tirsan deegaanka Gobolka Saaxil magaalo madaxdeeda Berbera oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo. Waxaana uu sh Axmed Yaasiin si toos ah ugu cadeeyey odayaashaas in uu u sharaxan yahay madaxweynaha kana sharaxan yahay xusbiga UDUB.

Shiikh Axmed oo ah Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu reer Berbera ku yidhi; “ Waad ku mahadsan tihiin in aad ii codaysaan 2003 aniga oo u sharaxnaa madaxweyna ku xigeenka, maantana waxaan idinka doonayaa in aad sidii oo kale iigu codaysaan anigoo u sharaxan madaxweynaha Somaliland.”

Siday ii xaqiijiyeen goobjoogayaal shirkaa ku sugnaa Shiikh Axmed Yaasiin aad iyo aad ayey ugu taageereen odayaashii iyo wax garadkii halkaa kula kulmay sharaxaadiisa, waxaana ay u balan qaadeen in ay bulshada reer Berbera sanadkan 2008 madaxweyne ku-xigeenka u codayn doonaan mraka uu isu soo taago jagada Madaxweynenimo. Odayaasha halkaas joogay waxay isaga ka codsadeen in uu arintaa aad iyo aaad uga hawlgalo oo sidii uu u noqon lahaa musharax madaxweynaha ah ee xusbiga udub ku dedaalo. Laakiin Shiikh Axmed ayaa ku jawaabay sida illo xog ogaal ahi soo werinayaan. “ Reer Berberaw ku bushaaraysta in aan sanadkaa ahay musharax rasmiga ah ee jagada madaxweynaha uga qayb galaaya doorashada soo socoto xusbiga udub, waxaana uu intaa raaciyey in uu marka ramadaantu baxdo oo si toos ah uga cadayn doono xarunta madaxtooyada in uu musharaxa yahay ninkii diidan iyo ninkii ogolba.”

Hadaba dadweyanaha reer Berbera ayaa in dhawaydba hadal hayey in ay jirto arintaa shiikh Axmed Yaasiin ee ah in uu sharaxan yahay jagada madaxweynaha, laakiin maanta ayey u cadaatay in ay jirto kadib markii uu afkiisa ka yidhi waan sharaxan ahay oo waxaan u sharaxan ahay madaxweyne.

Hadii ay taasi run noqoto waxa cadaan ah in xusbigii udub uu yahay waar LABADA FARAAR INOO KALA JEEX udub hoose waa nasiibkaa inta ku raacda.

Waana kala jabkii iyo kala fogaanshihii ugu baaxada weynaa ee udub soo kala dhex gala Waxaana is waydiintu tahay madaxweyna Riyaale iyo rag aan ogahay ma yeeli doonaan musharaxnimada Shiikh Axmed Yaasiin?
Waxaan ku soo koobayaa, hadii aynu nahay shacabka reer Somaliland isha iyo dhagtaba waynnu kala socon doonaa marka fuud iyo faar loo kala baxo?.

Mr Yoonis Mursal

Berbera, Somaliland

berberaawi231@hotmail.com

No comments: