Thursday, September 27, 2007

Qaban-qaabadda Shirweynaha KULMIYE Oo Lasoo Gabo-gabeeyey Iyo Ergooyinkii Shirka Oo Kusoo Qulqulaya Hargeysa

(Waridaad) - Sida warar aanu ka helayno ilo lagu kalsoon yahay noo xaqiijiyeen waxa gebi ahaanba soo gebo geboobay qaban-qaabada shirweynaha labaad ee xisbiga KULMIYE, kaasoo beryahanba ka socday caasimadda Soomaliland ee Hargeysa. Waxa wararkaasi sheegayaan in liisaskii ergooyinka shir weynaha gebi ahaan kusoo xeroodeen xarunta dhexe ee xisbiga, halka ergooyinka qaarkood imika soo gaadheen kuna sugan yihiin magaaladda Hargeysa.

Waxa bilahii ugu danbeeyey soo baxayay warar sheegaya dib u dhac ku yimi shirweynaha xisbiga iyo khilaaf soo kala dhex galay masuuliyinta xisbiga.

‘Waxa jiray caqabado dhowr ah oo hortaagna qabsoominta shirkan oo masuliyinta KULMIYE in muddo ahba ku hawlanaayeen maareyntooda'
Sidaas waxa yidhi masuul ka tirsan xisbiga oo dalbaday inaan la magacaabin. Isaga oo hadalkiisa sii wata masuulkasi waxa uu yidhi:
‘Caqabadahaas laba dhinac ayay u qaybsamayen, ta koowad oo ahayd sidii xisbiga looga wada dhex muuqan lahaa iyo ta labaad oo ahayd xukuumadda Madaxweyne Rayale oo awood dhaqaale iyo maamul isugu gaysay sidii ay u fashilin lahayd shirkan, iyada oo adeegsanaysa xubno xisbiga ka tirsan. Laakin imika intiiba waanu maaraynay shirkiina waa qabsoomayaa'

Mar aanu masuulkan weydiinay in hadalkiisa loo turjaman karo in wax khilaaf ahi aanu ka jirin xisbiga KULMIYE waxa uu yidhi:

'Weli waxa jira shakhsiyaad amaba aan idhaahdee laba shakhsi oo midna xisbiga dibadda uga baxay midna weli ku jiro oo aan taagero ku lahayn xisbiga gudahiisa, kuwaas oo isku dayaya in ay khal khal geliyaan shir weynaha, iyagoo adeeegsanaya kalsooni ay ka haystan dad aan xisbiga ka tirsanayn iyo masuuliyin sare oo ka tirsan xibul xaakimka UDUB. Markaas taas yada baqdin weyn kama qabno, waayo xisbiga dhamaantiis ayaa dhinac u wada socda, arrimihii iyo caqabadahii shirka hor yaalayna wa la dhameeyey'

Xigasho: Somaliland.org

No comments: