Friday, September 07, 2007

Shirweynahii 2aad ee Kulmiye oo dib u dhacay

(Waridaad) - Did-u-dhac ayaa ku yimi shirweynahii labaad ee Kulmiye ee lagu waday inuu furmo berito oo Sabti ah.

Gudoomiyaha qabanqaabadda shirweynaha labaad ee Kulmiye, Mudane Axmed Muxumed Madar ayaa sheegay in aanay jirin wax caqabad ah oo dib-u-dhigis shirkaasi ah, hawshiisuna ay si fiican u socoto, iyadoo lagu jiro soo xarayntii ergooyinka shirweynaha iyo in xubnahoo idili soo wadda dhamaadaan oo diyaar la wadda noqdo.
Waxuu gudoomiyuhu intaana ku daray in gudiga qabanqaabadu soo saari doonaan, wakhtiga rasmiga ah ee shirku bilaabmi doono iyo halka uu ka dhici doono labadaba.
Waridaad Media Centre

No comments: