Saturday, September 08, 2007

Guddida Dhexdhexaadinta Khilaafaadka Golayaasha oo caddeeyey inay ka baxeen hawshii dhexdhexaadinta

(Waridaad) - Guddida Dhexdhexaadinta Khilaafaadka golayaasha ayaa galabta ku dhawaaqay inay soo gebagebeeyeen hawshoodii dhexdhexaadinta, kadib markii ay madaxweyne Riyaale oo ay saaka la kulmeen uu ka warwareegey inuu si buuxda u fuliyo labadii qodob ee heshiiska ee uu u xilsaarnaa Madaxweynaha.

Guddida dhexdhexaadintu shir jaraa'id oo ay galabta ku qabteen hotel Maansoor, waxay saxaafadda u akhriyeen qoraal wadajir ay u soo diyaariyeen oo ay kaga hadlayaan wixii ay kala soo kulmeen Madaxweyne Riyaale kulankii ay la yeesheen maanta, iyaga oo daba jooga fulinta labada qodob oo kala ah: In Madaxweynuhu sideeda ku dhaqangeliyo iyo inuu xabsiga ka siidaayo, xuquuqdooda siyaasadeedna u soo celiyo siyaasiyiinta xidhan ee ururka Qaran.

Guddidu waxay qoraalkooda ku sheegeen in arrinta Miisaaniyadda uu Madaxweyne Riyaale u sheegay in sannad-miisaaniyadeedkii 2007 uu hadda dhammaad yahay, isla markaana ay xukuumaddu ku dhaqantay Miisaaniyaddii 2006, hase yeeshee, miisaaniyadda 2007 uu ka fulinayo lacagta lagu loogu talagalay in gobolka Togdheer lagaga beddelo lacagta Shilin Soomaaliga ah ee laga isticmaalo Gobolkaas iyo lacagta loogu talagalay Doorashooyinka. Waxa kale uu noo sheegay ayay yidhaahdeen "In arrinta miisaaniyadda ay iska arki doonaan Shirguddoonka Golaha Wakiillada".

Arrinta Siyaasiyiinta Qaran, guddidu waxay sheegeen in Madaxweynuhu u caddeeyey in uu diyaar u yahay inuu siidaayo marka ugu horraysa ee ay siyaasiyiintaasi u soo qortaan dalab ay ku codsanayaan cafis. Hase yeeshee, waxay sheegeen in guddidu ay u soo jeedisey Madaxweynaha dariiqyo kale oo loo mari karo siideynta siyaasiyiintaas.

Ugu dambayntiina Madaxweynuhu u sheegay in soo jeedinta guddida ay isla eegi doonaan xukuumaddiisa. Waxayna rajeeyeen in xadhiga siyaasiyiintu uu ku dhammaan doono si fiican. Guddida oo ay weriyayaashu weydiiyeen su'aalo door ah, si cad uma sheegin in Madaxweynuhu ku gacansaydhay, waxaase jawaabahooda ka muuqday kala qaybsanaan, iyada oo xubnaha qaarkood ay difaaceen mawqifka Madaxweynaha, halka, qaar kalena ay si taxadar leh u muujiyeen sida ay uga niyadxun yihiin waxa ay kala kulmeen Madaxweynaha iyo inay quus ka taagan yihiin fulinta heshiiskaas. Go'aanka guddidu ku dhawaaqday ee ah inay joojiyeen hawshii dhexdhexaadinta khilaafaadka ayaa macnaheedu noqonayaa in ay quus ka joogaan in Madaxweynuhu fuliyo qodobadii dhinaciisa.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.
dubad@Somaliland.com

No comments: