Monday, October 15, 2007

Ciidamadda Somaliland oo la wareegay magaaladda Lascanood una sii dhaafay dhinaca wadadda kulmisa Garoowe iyo Lascanood

(Waridaad) - Laascaanood - Ciidamadda qaranka Somaliland ayaa maanta gebi ahaan la wareegay gacan ku haynta magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool









.

Ciidanka Somaliland ee ku sugnaa degaanka Abeesalay ayaa weerar ay kusoo qaaddeen ciidanka Puntland ee ku sugnaa degankas iska caabiyay, iyaga oo ka saaray dhamaan degaankii ku gdeemnaa abeesalay iyo magaaladda Laascanood. Isla markaa ciidankii Puntland ee ku sugnaa magaaladda Laascaanod ayaa yagana weerar ay ku qaadeen fadhiisimadda ciidamadda Somaliland ee gudaha magaaladda Laascanod lagu jebiyey, taasoo ay sababtay in magaaladda dibada looga saaro.

Waxa hadda magaaladda Lascaanod maamulkeeda la wareegay abaanduulaha ciidamada Somaliland Ibrahim Caydiid Dhabdhable iyo ciidan beeled uu wato oo u dhashay degaanka.

Dhianca kale ciidankii Somaliland ee ku sugnaa abeesalay ayaan hore usoo gelin magaaladda laakin kor ka dhaafay magaaladda Lascanood iyaga oo kusii jeeda dhinaca wadadda dheer ee isku xidha Lascanood iyo Garowe, halkaas oo ah xadka Somaliland iyo Somaliya.

Dhegayso warbixinta weriyaha


Xigasho:http://www.somaliland.org/

No comments: