Tuesday, October 23, 2007

Cuqaasha Awdal oo 3 Bilood Mushaharkooda ugu Deeqay Ciidanka Qaranka Ee Jiidda Hore

(Waridaad) - Boorama. Cuqaasha Gobolka Awdal ayaa kulan ay Axaddii ku yeesheen xarunta maamulka gobolka kaga dhawaaqay inay ciidamada qaranka ee jiidda hore ugu deeqeen saddex bilood mushaharkii ay qaadan lahaayeen si ay qayb uga noqoto taakulada iyo xoojinta saadka ciidamada qaranka ee ku hawlan difaaca dalka, iyo haddii loo baahdo ciidamo lagu xoojiyo hawlgalka difaaca dalka.

Kulankan ay yeesheen cuqaashu waxa soo qabanqaabiyay maamulka Awdal, waxana madashaa goob-joog ahaa Badhasaabka Gobolka Awdal, Maxamuud Sheekh Cabdillaahi iyo Maayorka Boorama Cabdiraxmaan Shide iyo 70 caaqil oo ka mid ah 126 ka caaqil ee ka diiwaangashan Wasaaradda Daakhiliga. Badhasaabka oo kulanka u furay ayaa ku wargaliyay in dalku uu ku jiro difaac qaran oo lagu sugayo xuduudihii caalamiga ahaa ee Somaliland, gaar ahaan aagga bari oo ay haatanba ciidamadu gacanta ku dhigeen magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Waxaannu xusuusiyay siday lagama maarmaanka u tahay in bulshadu ka qaybqaadato gaashaana loo noqdo ciidamada qaranka sida ciidamo la diyaargareeyo si haddii loo baahdo ay uga qaybgalaan difaaca qaranka iyo taakulada kale ee ciidamada haatanba ku sugan.

Waxa kale oo Badhasaabku sheegay in dadka reer Laascaanood ay awalba ahaayeen reer Somaliland haatana loo baahan yahay in la soo dhaweeyo oo la isbarbar taago, maadaama aanay la’aantood suurtogasheen in ciidamadu Laascaanood qabsadaan.

Maayorka Boorama Mr Shide oo isna halkaa ka hadlay ayaa tibaaxay inay ku gudo jiraan abaabul lagu muujinayo taageerada ciidamada qaranka oo cuqaasha ka sakow ay iyagana ku hawlan yihiin xidhiidho bulshada inteedii kale ah, ha ahaato haweenka, ururrada bulshada, ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshadaba, kuwaas oo iyana ka qaybqaadan doona taageerada iyo taakulada ay u baahan yihiin ciidamada qaranka ee jiidda hore.

Chief-caaqil Ismaaciil Axmed Geelle ayaa soo jeediyay in cuqaashu mushaharkooda saddex biloodka ku taageeraan ciidamada qaranka, lana diyaariyo ciidamo xoojin ah oo kayd ah, si markii loo baahadaba ay u hawlgali karaan.

Rayigaas oo ay dhammaan cuqaasha shirka ka qaybgalay isku raaceen, iyaga oo u ballamay kulan kale oo ka dhici doona xaruntooda, si ay uga hawlgalaan diyaarinta ciidan beeleed degaanka ah oo haddii loo baahdo ka qaybqaata difaaca xuduudaha qaranka Somaliland.

Xigasho: http://www.jamhuuriya.info/

No comments: