Tuesday, October 23, 2007

Kulan ay Maanta yeesheen Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland iyo wasiirka Arrimaha dibeda

(Waridaad) - Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo arrimaha dibeda Jamhuuriyada Somaliland mudanec/laahi maxamed ducaale Iyo Axmed xaaji daahir ayaa maanta waxay kulan ballaadhanla yeesheen qaybaha kala duwan ee warbaahinta, kulankaas oo ka dhacay xaruntawasaarada arrimaha dibeda.

Ujeedada kulankaasi wuxuu ahaa sidii warbaahinta dalku ay qayb laxaad leh ugaqaadaan lahaayeen ,xaaladda barriga Somaliland gaar ahaan gobolka sool.

Wasiirka warfaafinta mudane Axmed xaaji daahir cilmi waxa uu sheegey in dagaalkuaanu ahayn oo keli ah xabad la rido balse ay warbaahinta lafteeda tahay midqalinka iyo codkaba kaga qayb qaadan karta maadaama ay warbaahintu tahay quwadaafraad ee dunida , sidaasi darteed ay saxaafadu dalku waajib ka saran yahay qaybtakaga aadan dagaalka guulo badane ay ka soo hoyn karaan.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibeda JSL mudane c/laahi maxamed ducaale wuxuu aadugu dheeraaday muhiimada ay saxaafadu leedahay isagoo sheegey marka ay timaadoarrin xasaasi ahi inay dadaalka ay ugu jirto difaaca dalka.

Dhinaca kale mar uu wasiirka arrimaha dibbedu ka hadlayay xaalada guud ee gobolkasool waxa uu sheegey in magaalada laas caanood degen tahay laguna gudo jiro sidiiloogu samayn lahaa maamul wanaagsan . wefti balaadhan oo xukumada ka socdaana aygaadheen magaalada laascaanood kuna hawlan yihiin sidii looga midho dhalin lahaamaamul adag oo loo wada dhan yahay.

Wariye Mohamed mussa inji

Hargeysa, Somaliland

No comments: