Sunday, October 28, 2007

Dadweynaha Reer Somaliland Oo Ra’yi Ururin Laga Qaaday Ku Dalbaday In La Bedelo Gudoomiyayaasha xisbiyada iyo in furashada ururada siyaasada

(Waridaad) - Dadweynaha reer Somaliland ayaa ra’yi ururin laga qaaday bilihii ina dhaafay ku dalbaday in la bedelo gudoomiyayaasha axsaabta siyaasadda ee ka qayb galay doorashooyinkii madaxweynenimada ee sannadkii 2003-dii.Sidaana waxa shaaca ka qaaday ra’yi ururin laga qaaday 1500 oo qof oo reer Somaliland ah oo ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland uu ka kooban yahay.

Daraasadan oo uu sameeyay TV-ga madaxa banaan leh ee Hargeysa Cable TV, isla markaana uu soo qaaday Weriye Maxamed Cabdi Sheekh Maxamed (Ilig), oo TV-gaasi ka tirsani, waxa laga qaaday shan ka mid ah lixda xarun goboleed ee dalka, iyo magaalooyinka Caynabo iyo Oog oo loo soo qaatay Laascaanood oo aan waqtigaasi ku jirin gacanta Somaliland.

Sida ay shaaca ka qaadeen TV-ga Hargeysa Cable, ra’yi ururintani waxay qaadatay muddo 29 maalmood ah, waxaana lagu diyaariyay muddo bilo ah. Waxaana dadka lagu weydiinayay saddex su’aalo oo kala ah, ma haboon tahay in la bedelo Gudoomiyayaasha xisbiyadda Siyaasada, xisbigee ayaad codkaaga siinaysaa iyo ururada siyaasadda in la furo ma ogoshahay?.Haddaba, Maxamed Cabdi Sheekh Ilig oo daraasadan u qaaday TV-ga Hargeysa Cable TV ayaa isaga oo sharaxaya waxa uu sheegay in ay sidoo kale dadweynuhu dalbadeen in la furo ururada siyaasadda. Balse si aynu wax uga ogaano daraasadan aynu soo qaadano sharaxaada, isla markaana aynu gobol gobol u soo qaadano.

Gobolka Sanaag, waxa ra’yigooda ka dhiibtay daraasadan 200 oo qof oo iskugu jira 147 rag ah iyo 53 dumar, ah, dadkan da’doodu waxay u dhaxaysa 20 ilaa iyo 50 wixii ka weyn. 71 qof oo ka mid ah dadkan waxay ahayd aqoontoodu dugsi dhexe, halka ay 54-na ahaayeen dugsi sare, iyada oo sideed ka mid ahina ay gaadheen heer jaamacadeed. 67-ka qof ee kalena waxa ay ahaayeen kuwo aan waxba qorin, waxna akhryin.
Markii la weydiiyay in loo baahan yahay in la bedelo gudoomiyayaasha xisbiyada siyaasadda iyo inkale waxa ay 116 oo ka mid ah 200 ee ra’yigooda la weydiiyey dalbadeen in aan la bedelin, halka ay 84 ka mid ahina dalbadeen in la bedelo, laakiin 107 ka mid ah ayaa dalbaday in la furo ururada siyaasadda, halka ay 93-na diideen. Sidoo kale 68 ka mid ah 200 ee qof waxay sheegeen inay u codaynayaan xisbiga UDUB, halka 55-na sheegeen inay u codaynayaan xisbiga KULMIYE, iyada oo 47 qofna sheegeen inay u codaynayaan xisbiga UCID, 30 qofna aanay iyagu codkooda bixinaynin.

Gobolka Sool. Waxa laga qaaday boqol qof oo ay ku jiraan 75 qof oo ka mid ah macalimiin wax ku baranaysay Jaamacadda Burco, 75 ka mid ah boqolkani waxay ahaayeen rag, halka ay 25-na dumar ahaayeen, dadkan da’doodu waxay u dhaxaysay 20 ilaa konton wixii ka weyn, 15 ayay aqoontoodu dugsi dhexe ahayd, 23-na dugsi sare 62-na heer jaamacadeed, 23 ka mid ahi waxay dalbadeen in la bedelo gudoomiyayaasha xisbiyada, 77 kalena way diideen in la bedelo, laakiin 38 qof oo ka mid ah boqolkaasi qof ayaa codsaday in la furo ururo siyaasadeed, 62-na way diideen, 30 ka mid ah dadkani waxa ay sheegeen inay u codaynayaan xisbiga UDUB, halka ay 51-na sheegeen inay u codaynayaan xisbiga KULMIYE, 6- ka mid ahina ay u codaynayaan xisbiga UCID, 14 qofna aanay codkooda bixinaynin.

Gobolka Togdheer, waxa ra’yigooda la weydiiyay 300 oo qof, 226 ka mid ahi waxay ahaayeen rag, halka 74-ka kalena ay ahaayeen dumar, 21 ka mid ah da’doodu waxay ka hoosaysay 20, halka ay 279-na da’doodu u dhaxaysay 20 ilaa konton wixii ka weyn. 77 ka mid ah dadkan aqoontoodu waxay ahayd ilaa heer dugsi dhexe, 73-na dugsi sare 138-na waxay ahaayeen heer jaamacadeed. 12-na waxay ahaayeen dad aan waxba qorin waxbana akhriyin. 149 ka mid ah dadkani waxay dalbadeen in la bedelo gudoomiyayaasha axsaabta, halka ay 151-na ka diideen, 164 ka mid ah dadkani waxa ay dalbadeen in ururo siyaasadeed la furo, halka ay 136-na diideen in la furto. 71 ka mid ahi waxa ay sheegeen inay u codaynayaan xisbiga UDUB, 145-na waxa ay sheegeen inay u codaynayaan xisbiga KULMIYE, 54-na xisbiga UCID, 29-na waxa ay sheegeen in aanay codaynin.

Gobolka Saaxil: waxa codkooda la weydiiyay boqol qof, 96 ka mid ah ayaa rag ahaa, halka ay afar keli ahi dumar ahaayeen. 91 waxay da’doodu u dhaxaysay 20 ilaa 50 jir, halka ay 9 qofna da’doodu ka weynayd 50 jir. 13 ayay aqoontoodu ahayd heer dugsi dhexe, 37-na waxay ahayd dugsi sare, 18-na heer Jaamacadeed, 32-na waxay ahaayeen kuwo aan waxba qorin waxna akhriyin. 51 qof oo ka mid ah boqolkan qof ayaa dalbaday in la bedelo hogaamiyayaasha xisbiyada siyaasadda, 49-na way diideen, 62/100 ayaa dalbaday in ururo siyaasadeed la furto, halka ay 38/100 ka mid ahina diideen in ururo siyaasadeed la furto.

33/100 ayaa sheegay inay u codaynayaan xisbiga UDUB, 25/100-na waxay sheegeen inay u codaynayaan xisbiga KULMIYE, halka ay 30-na sheegeen inay u codaynayaan xisbiga UCID 12-na diideen inay wax cod ah dhiibtaan.

Gobolka Hargeysa, waxa codkooda la weydiiyay 500 oo qof, 343 ka mid ahi waxay ahaayeen rag, 157-na waxay ahaayeen dumar, 29 ayay da’doodu 20-ka ka hoosaysay, 431 waxay da’doodu u dhaxaysay 20 ilaa 50 jir, 40-na da’doodu way ka weynayd 50 jir, 38-waxay ahaayeen heer dugsi dhexe, 130 waxay ahaayeen dugsi sare 314-na heer jaamacadeed, 18 waxba ma qoraan waxbana ma akhriyaan, 319 ayaa dalbaday in la bedelo gudoomiyayaasha xisbiyada, 181 ayaa diiday, 339 ayaa dalbaday in ururada siyaasadda dib loo furo, 161 ayaa diiday in la furo, 128 ayaa sheegay inay u codaynayaan xisbiga UDUB, 167 ayaa sheegay inay u codaynayaan xisbiga KULMIYE, 128 ayaa sheegay inay u codaynayaan UCID, 77-na waxa ay sheegeen in aanay iyagu codkooda bixinaynin.

Gobolka Awdal: 300 qof ayaa codkooda la weydiiyay, 242 ayaa rag ahaa, 58 ayaa dumar ahaa, 18 ayay da’doodu ka hoosaysay 20 jir, 270 waxay da’doodu u dhaxaysay 20 ilaa 50 jir, 12-na way ka weynaayeen, 27 ayay aqoontoodu gaadhsiisan tahay dugsi dhexe, 67 waa dugsi sare, 195-na waa heer Jaamacadeed, 11 ayaan waxba qorin waxbana akhriyin. 182 ayaa dalbaday in la bedelo gudoomiyayaasha siyaasadda, halka ay 118-na diideen. 145 ayaa dalbaday in ururo siyaasadeed la furto 155 ayaa diiday, 167 waxay sheegeen inay u codaynayaan xisbiga UDUB, halka ay 65-na sheegeen inay u codaynayaan xisbiga KULMIYE, iyada oo ay 40-na sheegeen inay u codaynayaan xisbiga UCID, 28 qof ayaa iyagu sheegay in aanay codkooda cidna siinayn.

Marka la isku geeyo tirada dadka codkooda dhiibtay, waxay noqonayaan 1500 oo qof. 75% ka mid ah dadkani waa rag, halka ay 74.73-na dumar tahay. 5% ayay da’doodu ka yartahay 20 jir, 84.6% waxay da’doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 50 jir, 9.6-na da’doodu waxay ka weyntahay kontonka. 16% ayay aqoontoodu tahay dugsi dhexe, 25.6% waa dugsi sare, 49%-na heer jaamacadeed, 9.33 waxba ma qoraan waxna ma akhriyaan, 53.86 ayaa dalbaday in la bedelo gudoomiyayaasha axsaabta siyaasadda, 46.13 ayaa diiday in la bedelo, 57% ayaa ogolaaday in la furto ururada siyaasadda, 43% ayaa diiday in la furto.

33.13% ayaa sheegay inay u codaynayaan xisbiga UDUB, halka ay 33.86-na sheegeen inay u codaynayaan xisbiga KULMIYE, 20.33%-na sheegeen inay u codaynayaan xisbiga UCID. Halka ay 12.66%-na diideen inay codkooda bixiyaanba.

Marka intaasi laga yimaado waxa soo baxaysa in dadweynaha reer Somaliland marka si guud la iskugu geeyo ay dalbanayaan laba arrimood, kuwaasi oo kala ah in la bedelo hogaamiyayaasha axsaabta siyaasadda iyo in la furo ururada siyaasadda.

Sidoo kale, waxay ay natiijada kala horaynta xisbiyadu ku dhawaanaysaa sidii ay u kala heleen doorashooyinkii dalka ka dhacay sannadihii ina dhaafay. Laakiin hal wax ayaa soo baxaya oo ah in marka la isku eego labada gudoomiye ee labada xisbi ee KULMIYE iyo UDUB uu midkood gobolkiisu farsamo ahaan uga qancay oo aanu haatan niyad caynkaasi u ah u haynin, tusaale ahaan marka la isku eego sida ay natiijadu kala tahay labada gobol ee Togdheer iyo Awdal, hase yeeshee waxa muuqata in aanay labadooduba wax caynkaasi ah is-dhaamin.

12.66% lixdanka diiday inay codkooda bixiyaan waxay sheegeen in aanay ku qanacsanayn nidaamka siyaasadeed ee dalka, isla markaana ay doonayaan in ururada siyaasadda dib loo furo. Hase yeeshee waxa ay kaga duwan yihiin 57%-ka qof ee dalbaday in ururada siyaasadda dib loo furo, iyagu waxa ay sheegeen in aanay wax codayn ah ka qayb galaynin, haddii aan ururada siyaasadda dib loo furin.

Waa markii ugu horeysay ee la sameeyo ra’yi ururin noocan oo kale ah, waxaana sameeyay Weriye Maxamed Cabdi Sh. Maxamed (Ilig) oo ah weriye da’ yar oo haatana dhigta Jaamacadda Hargeysa waaxda Elearning qaybta Journalism-ka.

No comments: