Sunday, October 28, 2007

War Deg Deg Ah: Puntland oo ciidamo dheeri ah keentay

(Waridaad) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa ciidamo aad u tirobadan kusoo kordhisay ciidamadii hore uga joogay deegaanka tukaraq oo 60km dhanka bariga ka xigta magaalada laascaanood.

Ciidamadan ayaa ku qalabaysan tobonaan gawaadhida dagaalka ah oo cusub waxayna galabta goor gaaban kasoo baxeen xerada 54 aad ee duleedka garoowe oo maalmahanba lagu ururinayey, si ay dagaal ugu qaadaan ciidamada Somaliland .

Maamulka Puntland ayaa 24 saac ee ugu danbaysay labanlaabay abaabulkiisa dagaal ee ugu jiro magaalada laascaanood ka dib markii culays saa’id ah ay saareen isimada Puntland oo beryahanba shirar uga socdeen magaalada garoowe., iyagoona uga digay xukuumada Cadde Muuse cawaaqib xumo hadii aanay talaabo deg deg ahqaadin.

Marka laga tago abaabulka military ee ay Puntland wadowaxaa iyana dhinac socda dagaal dhinaca siyaasada ahoo ay Puntland ku doonayso inay laascaanood kagala wareegtay xukuumada hargaysa , Maamulka Somaliland ayaa dagaal siyaasadeed kula wareegay laascaanood sida dad badan aaminsan yihiin ka dib markii Somaliland waxba ugu suuroobi waayeen 5 sano oo ay waday howlgalo military .

C/qaadir Nuur Koor

Afnugaal.com

Info@afnugaal.com

No comments: