Monday, October 01, 2007

Dagaal Xoogan Oo Saaka Ka Qarxay Magaaladda Laascaanod Iyo Maleeshiyaddii Puntland Oo Gebi Ahaanba Magaaladda Dibada Looga Saaray

(Waridaad) - Laascaanood - Waxa saaka subaxii ka qarxay gudaha magaaladda Laascaanod dagaal aad u qadhaadh kaasoo dhex maray ciidanka Somaliland ee ku sugan Koonfurta magaaladda Laascaanod iyo maleeshiyadda Puntland.

Dagaalka oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa bilaabmay ka dib markii ay magaalada soo galeen ciidamo ka yimid xarunta Puntland ee Garoowe kuwaas oo qof rayid ah ku dilay wadada laamiga ee magaaladda Laascaanod, isla markaana isku dayey inay usoo gudbaan dhinaca koonfureed ee magaalada halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidanka Somaliland.

Kadib dagaalkaas saaka ku dhex maray magaaladda ciidamadda Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa waxa gebi ahaan magaaladda ka baxay ciidamadii Puntland oo dib u gurasho u sameeyey dhinaca garow. Waxaana magaaladda ku sugan imika ciidamadii Somaliland.

Dagaalka saaka ka qarxay laascaanood ayaa kusoo beegmay ka dib markii madaxwayne ku xigeenka puntland Xassan Daahir Maxamuud uu ka sheegay idaacada BBCda barnaamijkeeda shalay in ciidamadiisu weerari doonaan koonfurta Laascaanood hadii aanay odayaasha deegaanku ka rarin maleeshiyada qabsatay koonfurta Laascaanood.

Wakhtigan xaadirka ah wuu istaagay dagaalkii ka socday gudaha magaaladda Laascaanod, kadib markii ciidamadda Puntland ka baxeen magaaladda. Laakin waxa dagaal ka socdaa degaanka Abeesalay halkaas oo ay isku hor fadhiyaan ciidamadda Somaliland iyo Puntland.

Xigasho: Somaliland.Org

No comments: