Monday, October 01, 2007

Jendayi Frazer, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika oo ka hadashay Somaliland iyo Arimo kale

(Waridaad) - Somaliland rasmi ahaan uma aqoonsanin, laakiin waxaannu goob-joogayaal u dirnay doorashooyinkii kala duwanaa ee ka dhacay dalkooda, waxaanuna xidhiidh la leenahay saraakiisha reer Somaliland sida aannu xidhiidh ula leenahay waddamo kale oo badan.

Waa dawlad aanaan si rasmi ah u aqoonsanayn inay dawlad madaxbannaan tahay, laakiin hubaal ahaantii waannu la hadalnaa saraakiishooda. Waxaannu la hadalnaa Madaxweynaha Somaliland oo waannu la shaqaynaa sababtuna waxay tahay xasillooni ayey ka dhaliyeen Somaliland.” Sidaa waxa waysi dheer oo ay Sabtidii la soo dhaafay siisay Idaacadda Codka Maraykanka laanteeda Afka Soomaaliga ku sheegtay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika, Jendayi Frazer.

Waxaanay Mss. Frazer daboolka ka qaaday inay la shaqaynayaan Somaliland, maadaama ay samaysteen maamul ka shaqeeyey nabadda iyo horumarka.
Waraysigaas oo ahaa mid aad u dheer waxa kale oo ay Jendayi Frazer faahfaahin kaga bixisay aragtida Maraykanku qabo hoggaamiyeyaasha sare ee Maxaakiimta, dawladda Cabdillaahi Yuusuf iyo arrinta dalka Eritariya oo ay ku eedeeyaan inay taageerto argagixisada Geeska Afrika. haddaba wargeyska Jamhuuriya ayaa si qoraal idinku soo gudbinaya.

Waraysigaas oo uu qaaday weriye Cabdisalaan Ibraahim Hereri waxa uu u dhacay sidan:


Su’aal: Waa ayo cidda aad ku tilmaamayso qas-wadayaasha Soomaaliya ee weli dagaallada ka sii wada magaalada Muqdisho?

Jawaab: Waa hubaal oo qaarkood waannu naqaanaa, waa dadka ay ka mid yihiin Sheekh Shariif Axmed oo Asmara jooga oo si is-daba-joog ah jihaad ugu dhawaaqa, waa kuwaa qas-wadayaashu. Waxa fursado badan loo siiyey inuu qayb ka noqdo dib-u-heshiisiinta, waannu iska diiday inuu sidaa yeelo. Ninka madaxda ka ah Al-shabaab iyo dadka ay ka mid yihiin Aadan Caydho iyo Ciise Cismaan Ciise, waa kuwaas argagixadu, waa kuwaas qas-wadayaashu.

S: Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Maraykanku markii hore u arkayeen nin qunyar-socod ah iminka ma waxaad ku daraysaan liiska argagixisada?

J: Uma aannu arki jirin inuu yahay nin siyaasaddiisu qunyar-socod tahay ee waxaannu u arkaynay inuu qaadan karo kaalin dhab ah oo uu sidaa yeeli karo oo uu qayb ka noqon doono dib-u-heshiisiinta, laakiin marka uu ku baaqo inuu dagaal sii wado, taas ayaa ah ta aannu doonayno ee aannu jooji leenahay, waana inaad hannaanka nabadda ka qaybqaadato dagaalna aanad ku baaqin, isna muu yeelin ee weli dagaal ayuu ku baaqayaa. Inkasta oo uu haystay fursado badan oo uu ku qaadan karayo kaalin waxtar u leh dalka Soomaaliya, markaa waxaannu ku daraynaa dadka ku baaqaya in la dagaal galo ee ay afkaartoodu fogtahay.
S: Sida laga warqabo dhawr waddan oo Afrikaan ah ayaa hore ugu baaqay inay ciidamo nabad-ilaalin ah u dirayaan Soomaaliya sida waddanka Brundi oo kale, haddaba maxay tahay sababta ay ilaa iminka waddamadaasi ciidammadooda u keeni waayeen dalka Soomaaliya, ma dhinaca qalabka ayaa sababtay, mise waa xagga dhaqaalaha?

J: Waxaan ka war-hayaa in dhinacyo badan oo ka mid ah Midowga Afrika ay rumaysan yihiin in dhibaatadu tahay xagga qalabka iyo dhaqaalaha, waana hubaal qayb ahaan inay sidaa tahay. Waxaannu lacag ka badan 19 milyan oo dollar aannu siinay cutubka ciidammada Uganda ee AMISOM, waxaannu iminkana tababarro siinaa ciidammada Brundi oo aannu siin doono oo kale qalab iyo hawlaha ay u baahan yihiin. Waxaannu Maraykan ahaan ku ballanqaadnay in aannu lix milyan oo dollar aannu siin doono waddan kasta oo ciidan u diraya Soomaaliya, waxaannay ila tahay in aannu taageero weyn ka geysanay, laakiin qayb ahaan dhibaatadu waa xagga qalabka iyo dhaqaalaha, balse qayb ahaan waxay weli uga cago-jiidayaan waa dagaallada weli ka socda magaalada Muqdisho, waxaanay ka walaacsan yihiin in ciidammadooda ay u diraan meel dagaal ka socdo.

Qayb ahaan siddeeda ilaa sagaalka batalyan ee AMISOM lama wada geyn doono Muqdisho, waxaanay qayb ahaan hawshoodu noqon doontaa inay xaaladda xasiliyaan si ay markaa doorashooyinku u dhacaan sannadka 2009-ka, markaa waa in la wada geeyaa dalka oo dhan ee Muqdisho oo qudha lama geynayo.

S: Dhawaan ayaa dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya waxay ugu baaqday dawladaha Carbeed in ciidan nabad-ilaalin ah ay u soo diraan Soomaaliya, haddaba sidee ayey arrintaa u arkaan dawladda Maraykanku? Miyeyse ugu muuqataa inay dalalka Carbeed ciidamo u diraan Soomaaliya?

J: Taas waannu rajaynaynaa hubaal ahaanna waannu waannu soo dhoweynaynaa baaqaas, waxaanuna taageeri doonaa waddamada doonaya inay ciidamo u diraan Soomaaliya, muhiimadduna waxay tahay in la diro ciidammada nabad-ilaalinta ee AMISOM si ay markaa Soomaaliya uga baxaan ciidammada Itoobiya. Waxaannu doonaynaa in la helo ciidammadii iyaga beddeli lahaa ee waddanka xasilin lahaa.

S: Dad fara badan ayaa qaba in dagaalka iminka ka socda magaalada Muqdisho uu yahay kii u dhexeeyey waddamada Itoobiya iyo Eritariya oo ku soo faafay waddanka Soomaaliya oo ay ka dhigteen meel ay isku haleelaan, maxay dawladda Maraykanku ka qabtaa doodda sidaas ah?

J: Dad fara badan ayaa yidhaahda Soomaaliya waxay noqotay meel ay isku haleelaan Itoobiya iyo Eritariya, mana jecli jecli faallada sidaas ah. Eretariya ayaa Soomaaliya u isticmaalaysa meel ay kula dagaalanto Itoobiya, laakiin Itoobiya uma isticmaalayso Soomaaliya meel ay kula dagaalanto Eretariya.
Eretariyaanka ayaa maalgelinaya oo hubaynaya oo tababaraya kooxaha kacdoonada wada, kooxaha argagixisada iyo shaqsiyaadka lagu tiriyo argagixisada si ay Itoobiya ugu weeraraan Soomaaliya, markaa haa Soomaaliya waxa laga dhigtay goob lagu dagaallamo, cidda sidaa samaynaysaana waa Eretariya ee ma aha Itoobiya.

S: Dhinaca kalena waxay ku doodayaan in dawladda Itoobiya taageerto dawladda federaalka Soomaaliya oo dabcan mucaaradka Soomaalidu ka soo horjeedaan, taas maxaad ka odhaysaa?

J: Laakiin dawladda ku-meel-gaadhka federaalka ahi waxa weeye dawladda la aqoonsan yahay ee Soomaaliya oo ay Soomaalidu shir ku soo doorteen dadka ka midka ah, markaa Itoobiya way ku saxan tahay inay taageerto dawladda ku-meel-gaadhka ah, waxana sidoo kale u taageersan Norway, Talyaaniga, Maraykanka, Ingiriiska, Kenya, Jabuuti iyo waddamada caalamka intooda badan, waxa sidoo kale taageersan Sucuudi Carabiya iyo qaar kale.

Waannu fahamsanahay inay tahay dawlad aanay soo dooran dadka Soomaalidu, waana taas ta ay muhiimadda weyn u leedahay in si dhakhso ah loo taago hay’adihii dawliga ahaa, si markaa u dhacaan doorashooyin guul leh sannadka 2009-ka oo ay dawladdaasina si dhab ah u metesho dadka Soomaalida.

S: Miyey jirtaa inaba wax fursad ah oo ciidamo ka socda Qaramada Midoobay si dhakhso ah loogu dirayo waddanka Soomaaliya?

J: Waxaan ogsoonahay in dhinacyo badan oo gobolka ahi doonayaan in ciidamo ka socda Qaramada Midoobay la keeno dalka Soomaaliya, laakiin haddii aan si daacad ah u hadalno taasi way adkaanaysaa. Dawladdayadu way taageersan tahay in ciidamo ka socda Qaramada Midoobay la geeyo dalka Soomaaliya, markaa waannu taageersanahay mowqifka gobolkaa ka jira.
Waxa kale oo aannu ogsoonahay culayska weyn ee iminka saaran qaybta qaabilsan nabad-ilaalinta ee Qaramada Midoobay, waxaanay si buuxda indhaha ugu hayaan xaaladda dalka Suudaan iyo Gobolka Darfur. Waa inay isku dubbo-ridaan ciidamo ka kooban 26 kun oo askari oo la geeyo Darfur, markaa way adkaanaysaa in ciidamo nabad-ilaalin ah la geeyo Soomaaliya, gaar ahaan taasi waxay u baahnaanaysaa in marka hore la diro wefti xaqiiqo-raadis ah si ay u soo eegaan waxyaabaha ay u baahan yihiin ciidammadaasi. Markaa taasina way adkaanaysaa marka la eego dagaallada iminka ka jira magaalada Muqdisho, laakiin dawladdayadu way taageersan tahay arrintaas.

S: Waxa dad fara badani isweydiinayaan dadka ay dawladda Maraykanku ugu yeedho inay argagixiso yihiin ee Soomaalida ah sida Sh. Xasan Daahir Aweys oo kale waxa uu tagaa Sucuudi Carabiya, waxaannu haatan ka hor tegay dalka Masar, dhowaanna waxa uu ka qaybgalay shirkii ka dhacay magaalada Asmara ee caasimadda Eritariya ay ku yeesheen mucaaradka dawladda Soomaaliya, dawladda Maraykankuna waxay xidhiidh wanaagsan la leedahay Sucuudiga iyo Masarba, markaa sidee buu si xor ah ugu safraa iyada oo Maraykanku doondoonayaan?

J: Waa su’aal aad u wanaagsan waxaanan arrintaa la soo qaaday Sucuudiga. Kama aanan war-hayn inuu dhowaan Masar tegay, laakiin waxaan ka war-hayey inuu mar booqasho ku tegay Sucuudiga, waanuna kala soo hadalnay sababta loogu oggolaaday inuu dalkaas galo, laakiin dhab ahaantii waa la raadinayaa oo wuxuu ku jiraa liiska argagixisada ee Qaramada Midoobay iyo Maraykanka, waanuna sii wadaynaa baadi-doonka loogu jiro in la soo xidho oo ay soo qaybtaan dawladaha uu booqdaa. Inuu Asmara fadhiyey oo ay dawladda Eretariya taageeraysay waa arrin aannu ka xunahay.

S: Dadka qaarkood ayaa waxay qabaan in si dalka Soomaaliya looga ilaaliyo in argagixisadu barroosinka dhigato inuu dalku horumar iyo gargaar aadaminimo u baahan yahay oo meel kasta oo dadkeedu sabool yihiin oo maalintii ku nool yihiin wax ka yar hal dollar ay dhibaato ka jirto, sidee ayey haddaba dooddaasi kuugu muuqataa?

J: Waan kula qabaa taas oo waan kugu raacsanahay boqolkiiba boqol. Maraykanku waxa weeye waddanka deeqda ugu faraha badan ee gargaarka ah siiya Soomaaliya, taasna waannu sii wadaynaa. Waxaannu siinay 120 milyan oo dollar tan iyo sannadkii 2006-dii, hubaal ahaanna waxaannu sii wadi doonaa gargaarka aannu siino dadka Soomaalida ah, waxa kale oo aannu isku dayeynaa in aannu gacan siino dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya iyo ururrada gacanta siinayaba.

Waxaan weydiistay kooxdayada joogta Washington inay eegaan sidii aannu gacan uga geysan lahayn waxbarashada iyo sidii aannu dawladda ku-meel-gaadhka ah u siin lahayn lacag ay wax kaga qabtaan waxbarashada, waayo mustaqbalka Soomaaliya taas ayey ku jirtaa, waxaanuna eegaynaa sidii aannu gacan uga geysan lahayn horumarinta, laakiin way ku adkaanaysaa dawladda in la weydiisto inay horumar ka shaqayso marka maalin walba la samaynayo isku dayo la doonayo in lagu khaarajiyo saraakiishooda, waana xaalad adag in lagu shaqeeyo.

S: Ururka Jaamacadda Carabta, gaar ahaan dawladda Masar ma barbar taagan yihiin dedaalka lagu xasillinayo dalka Soomaaliya, maadaama ay hawlgallada Soomaaliya hormuud ka yihiin Midowga Afrika iyo dawladda Itoobiya?

J: Sax baad ku tahay taas. Dawladaha kala duwani way kula duwanaan karaan aragtidooda, laakiin ururka waddamada ka wada xidhiidha arrimaha Soomaaliya Masaaridu way ka qaybqaateen saddexdii shir ee ugu dambeeyey, war-murtiyeedkii ka soo baxayna Masaaridu mar walba qayb weyn bay ku lahaayeen, waxaanuna ku ballanqaadnay taageerada aannu siinayno ciidammada AMISOM oo aannu soo dhoweynayno, markaa waxaan rumaysanahay in Masaaridu rasmi ahaan ula socdaan qorshaha, mar walbana Itoobiya ka wadahadlaan arrimaha Soomaaliya.

S: Sidee ayaad u aragtaa in gelitaanka ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya ay dhibaatooyin u keeneen dalka Itoobiya laftiisa oo hawlgalladoodii ay xoojiyeen ururka la dagaallama ee o­nLF, isla markaana la midoobeen ururrada kale ee ku kacsan dawladda Itoobiya?

J: Dhibaatada o­nLF waa mid ka horreysay intii aanay Itoobiya gelin Soomaaliya oo xataa waxay ahayd dhibaato ka horreysay Meles Zenawi intii aannu xukunka qaban, markaa waa arrin muddo dheer soo jirtay oo ka taagnayd Ogaadeeniya, mana aha mid ku salaysan joogitaanka ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya. Inkasta oo ay sidaa tahay waxay o­nLF-tu waxay isbahaysi aan khayr lahayn la gelayaan waddamada ay Eretariya ka mid tahay oo taageero siiya shaqsiyaad lagu xidhiidhinayo aragagixisada iyo shaqsiyaad ka tirsan ururka Al-qaacida ee bariga Afrika. Markaa o­nLF waxay ciyaarayaan kaalin halis ah, waxaanay u baahan yihiin inay ka taxadaraan xulafada ay samaysanayaan sida Xasan Daahir Aweys uu isbahaysiga aan khayrka lahayn ula samaystay ururka Al-qaacida ee markaa loogu daray liiska argagixisada. Waxay ahayd o­nLF-tu inay ka taxadaraan cidda ay isu gaashaan-buuraysanayaan ololaha ay ku doonayaan inay gooni uga baxaan Itoobiya, taas oo ay distoorka iyo hannaan siyaasadeed u mari karaan, halkii ay kacdoon kaga raadin lahaayeen.

S: Waa maxay mowqifka dawladda Maraykanku ka taagan tahay arrimaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland?

J: Somaliland rasmi ahaan uma aqoonsanin, laakiin waxaannu goob-joogayaal u dirnay doorashooyinkii kala duwanaa ee ka dhacay dalkooda, waxaanuna xidhiidh la leenahay saraakiisha reer Somaliland sida aannu xidhiidh ula leenahay waddamo kale oo badan. Waa dawlad aanaan si rasmi ah u aqoonsanayn inay dawlad madaxbannaan tahay, laakiin hubaal ahaantii waannu la hadalnaa saraakiishooda. Waxaannu la hadalnaa Madaxweynaha Somaliland oo waannu la shaqaynaa sababtuna waxay tahay xasillooni ayey ka dhaliyeen Somaliland.

Waxa kale oo jirta arrin ku saabsan argagixisada oo aannu kala xidhiidhno Somaliland, waana in aannu dawladdaas kala shaqaynaa sidii aannu xididdada ugu siibi lahayn argagixisadaas, kuwaas oo sii mara Somaliland, kadibna uga sii gudba Ogaadeeniya, una sii dhaafa Muqdisho Kismaayo oo jidkaas isticmaala, taasina annaga ayey dhibaato nagu tahay, markaa waannu la shaqaynayaa saraakiisha Somaliland.

S: Somaliland waxay ku doodaysaa in jiritaankoodu sax yahay oo ay hoos tagi jireen maxmiyaddii Ingiriiska, halka koonfurtuna ka hoos tagi jireen Talyaaniga ayna qabsadeen saddex doorasho dalkoodana ay xasillooni ka sameeyeen, nabadna ahaayeen 16-kii sannadood ee tegay, markaa maxay u baahan yihiin si ay helaan fiiro ka weyn ta hadda caalamku ka aaminsan yahay?

J: Annagu waannu ka war-haynaa horumarka ay sameeyeen, waxaanay tusaale u yihiin Soomaaliya inteeda kale inay eegaan horumarka Somaliland samaysay iyo sida ay dawlad u samaysteen, marka taas la eegana waxay nala tahay in arrinta ugu muhiimsani tahay inay la hadlaan Midowga Afrika. Waxaannu u sheegnay in aannu raaci doono wixii ay Midowga Afrika sameeyaan, waana inay la hadlaan Midowga Afrika oo la shaqeeyaan, markaa waxaannu eegi doonaa wixii ay la yimaaddaan.

S: Miyey jiraan tallaabooyin dawladda Maraykanku ka qaadayso Eretariya, maadaama Maraykanku si weyn ugu eedeeyo inay taageerto argagixisada?
J: Waxaannu iminka eegaynaa in aannu Eretariya ku darno waddama taageera argagixisada, cidda liiskaa lagu darayan si aad u weyn ayaannu uga fiirsanaa ee ma aha go’aan aannu si dhayal ah ku gaadhno. Waddamo faro-ku-tiris ah ayaannu ku darnay liiska dalalka taageera argagixisada, sida aannu go’aankaa ku gaadhnaana waxaannu eegnaa in dalalkaasi agab siiyaan argagixisada, markaa waannu ka fiirsanaynaa in Eretariya agab siiyo ururro iyo shaqsiyaad lagu xidhiidhiyo argagixisada oo ay ku jiraan xubno ka tirsan ururka Al-qaacida ee bariga Afrika.

Warbixintii ay Qaramada Midoobay soo saareena waxay kaga hadleen dhammaanba hubka ay Eretariya geysay Soomaaliya, taasina waa mid, ta labaadna waa xidhiidhkooda dhinaca dhaqaalaha, waxaanay ilaa xad u baahan tahay in laga fiirsado. Waxa kale oo aannu u haysanaa inay tababarro siiyaan, markaa waxaannu si taxadir leh u eegaynaa caddaymaha jira, si aannu uga fiirsano in Eretariya dhab ahaan tahay waddamada taageera argagixisada, waxaanay ila tahay inay dhab ahaan run tahay, laakiin waa in aannu habkaa raacnaa oo caddaymaha ku ururinaa.
Jamhuuriya Online

No comments: