Sunday, October 21, 2007

Faalo: Qaybtii Labaad ee Dulqaadka Mujaahidka, Damaca Haddaan Kooynay iyo Dayacyaanta Xisbiga Kulmiye

(Waridaad) - Guddiga doorashooyinka Soomaaliland, ayaa Taariikhdu markay ahayd Oktoobar 7 deedii, 2007. ku dhawaaqay maalinta doorashooyinka madaxtooyada iyo dawladaha hoose ay ka dhici doonaan dalka. Arrintan ku dhawaaqista doorashooyinka, ayaa waxay soo afjartay shakigii asxaabta mucaaradku ka qabeen dhicitaanka doorashooyinka.

Maqaalkan oo hordhac u ah maqaalo taxane ah oo aan si guud ugu qaadaa dhigo doono taageerada musharixiinta hada la hadal hayo ee la filayo inay asxaabta qaranku u soo bandhigi doonan tartanka madaxweynaha Somaliland iyo ku-xigeenkiisa, kaas oo heshiis ay u wada dhan yihiin asxaabta qaranku ku gaadheen inuu dhaco dabayaaqada sanadka dambe. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan kaga hadli doono faaloyinkan soo soo socda waxa ugu horeeya ahmiyada ay leedahay in musharaxiinta asxaabtu ay soo bandhigayaan noqdaan kuwo taageero ka heli kara dhamaan goboladada uu ka koobanyahay dalka Somaliland.

Ugu horeyn haddii aan soo qaadano Xisbiga Kulmiye oo dhawaan la filaayo inuu shirweynihii labaad ee xisbigu ka qabsoomo caasimada Somaliland ee Hareysa, ayaa lagu dooran doonaa golaha dhexe ee xisbiga, kuwaas oo sida filayo kala saari doona raga u tartamaya jagooyin kala duwan ee xisbiga Kulmiye, sida Musharaxa Madaxweynaha, Madaxweyna-Ku-Xigeenka, Gudoomiyaha iyo laba gudoomiye ku xigeen.

Iyada oo ay tageerayaasha Kulmiye in mudo ahba ka dhursugayeen shirweynaha xisbiga, ayaa sida wararku ay sheegayaan maalmahii u dambeeyay la soo gabagabeeyay qaybsiga ergooyinka iyo dhamaan waxa kasta oo uu u xisbigu u baahanyahay in uu si habsami ah u dhaco shirweynaha labaad ee xisbiga Kulmiye.

Maqaalkan hordhaca ah, waxan rabaa in aan ku falanqeeyo musharixiinta ka soo jeeda Gobolka Awdal ee sida la sheegay u tartamaya jagada madaweyne ku-xigeenka ee xisbiga Kulmiye. Hadaba qormadan, ayaan kaga hadalayaa dhawrka nin ee ka mid ah siyaasinta gobolka Awdal ee hirdanka iyo loolanka ugu jira musharaxa ku-xigeenka ee xisbiga Kulmiye, kuwaas oo qaar ka mid ahi yihiin ruug cadaa siyaasada Somaliland mudo dheer ku soo jiray, halka kuwo kalina yihiin rag ku cusub saaxada siyaadada ee Somaliland. Waxanan si kooban uga warami doonaa taariikh nololeedkoodii iyo baaxada taageerada ay ku soo kordhin karaan Xisbiga Kulmiye.

Waxa ugu horayn xusud mudan raga aadka loo hadal hayo ee damacu kaga jiraa jagadan Madaxweyne ku-Xigeenkii hore Somaliland Mujaahid Abdirahman Aw Ali Farah. Waxaa kale oo dhawanahan isaguna cadeeyay inuu tartanka ka qayb galidoono Prof. Ismail Mumin Aare, iyada oo dacaladana ay hoos hoos tartanka kaga jiraan labo nin oo ka soo jeeda beelaha waqooyi bari ee G/Awdal(Eng. Cabdiraxmaan Saylici iyo Adan Jaamac Hoori), laakiinse ayna weli shaaca si toos ah uga qaadin.

Sii akhri maqaaalka

No comments: