
Qoraal arrintaa ku saabsan oo uu ku saxeexnaa Maayarka Caasimada Xuseen M. Jiciir , ku xigeenkiisa Maxamed Uurcadde iyo Xoghayaha Fulinta Maxamed Nuur waxa uu u qoraa sidan"
‘'Maamulka D/Hoose ee Hargeysa iyo Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa waxay hambalyo u dirayaan shacabka ku dhaqan Caasimada gobolka Sool ee Laascaanood ee ku guulaystay in ay ka tashadaan Aayahooda , isla markaana hiigsanaya horumarka Dawladnimo iyo Dimuqraadiyadeed iyo ciidanka Qaranka JSL ee nafta u huray shacabkooda ku dhaqan Gobolka Sool kana guulaystay Maleeshiyadii Puntland ee Gardarada ku haysay Bulshada.
Sidaas darteed, waxaanu hambalyo iyo Bogaadin u diraynaa wax garadka , Salaadiinta , Aqoonyahanada iyo dhalinyarada Bulshada reer Laas-caanood iyo ciidamada Qaranka JSL ee ku sugan Gobolka Sool ee Magaalada Laascaanood''.
Xigasho: hormoodnews.com
No comments:
Post a Comment