Sunday, October 07, 2007

Khaatumada Ilaahay Khayr Hakuugu Khatimo.

(Waridaad) - Boorama-(Lug)-Kulan balaadhan oo ay yeesheen 4 maalmood ka hor Wasiirkii hore ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Aadan Jaamac Hoori oo iscasilaadiisii ka dib Ku biiray Xisbiga Kulmiye isaga iyo Beeshiisuba iyo C/raxmaan Aw Cali Faarax oo ka mid ahaa Madaxwayne ku xigeenadii soo maray Xukuumada Somaliland isla markaana ka mid ahaa Madaxdii xisbiga Kulmiye horena ugu guul daraystay Musharaxnimadii Madaxwayne ku xigeenka inuu ku soo baxo Doorashadii Hore ee Madaxwaynaha ayaa shirkoodaasi waxay ku falanqaynayeen qaabkii doorashooyinka ay ugu diyaargaroobi lahaayeen xisbiga Kulmiye , reer Awdalna doorashooyinka Soo socda cidii madaxwayne ku xigeen noqon lahayd Awdal ahaan.

Kulankaasi oo qaatay mudo dheer waxaa laga wada hadlay in C/raxmaan mudo dheer looga tanaasulay guriga Madaxwayne ku xigeenka balse aanu wax guul ah ka keenin taasina maanta doonayaan maanta in reer Awdal cid kale oo magac iyo maamuus u keenta Xisbiga Kulmiye loo magacaabo booskaasi.

Mr.Hoori oo arintaasi ka hadlayay ayaa C/raxmaan u sheegay in maanta ay diyaar u yihiin Beelaha Maxamed Case ee ku soo biiray Xisbiga Kulmiye in Kursigaasi loo daayo taasi oo runtu tahay inay magac iyo doorashada guul ka keenaan ay dhici doonto.

Mr.Hoori waxuu balan qaaday inay iyaguna intii karaankooda ah Xisbiga Kulmiye sare u soo qaadi doonaan waxuuna C/raxmaan kula taliyay inuu maanta arintasi dib uga joogsado.

Wararkale oo aanu ka helnay Ilo Xog-Ogaalka ah oo uu dhow dhow xisbigaasi Kulmiye iyo arimihiisa ayaa Cadeeyey in C/raxmaan Aw Cali balan qaaday inuu arintaasi u daayay Beelaha Maxamed Case isla markaasina uu dib uga joogsaday inuu isagu isku soo sharaxo kursigaasi uun ku taageeri doono cid walba oo laga sharaxo Beelaha Maxamed Case, waxuuna farta ku fiiqay in cidkasta oo reer Awdal ah oo doonayso inay kursigaasi u hanqal taagto aan maanta diyaar loo ahayn , balse kulankaasi lagu xaqiijiyay in doorashooyinkan soo socda Musharaxnimada Madaxwayne ku xigeenka la isku raacay in Beelahaasi Maxamed Case loo daayo.

Xigasho: Lughaya News On-Line

No comments: