Sunday, October 07, 2007

Mustafe Cabdi Ciise "Shiine" Gudoomiyaha SOLJA oo dambi lagu waayey

(Waridaad) - Mustafe Cabdi Ciise "Shiine" Gudoomiyaha SOLJA, isla marakaana ah madaxa wargeyska Maandeeq oo dhawaan lagu eedeeyey inuu ka danbeeyey warqad sir ah oo loo diray Wasiirka Warfaafinta dawladda Cabdillahi Yusuf, ayaa cadaatay inay ahayd been abuur lasoo maleegay oo ay ka danbeeyeen ilo ku hawlan siddii ay ummadda reer Soomaaliland u jaahwareerin lahaayeen.

Warqadaas oo lagu shaaciyey shabakadda http://www.waagacusub.com/ oo tafatire ka yahay, Daahir Calasoow, oo dhalasha ahaan ka soo jeedda, Muqdishu, haddana ku sugan caasimadda Soomaaliland, ka dib markii uu ka soo baqoolay wadankaas oo wakhtigii maxaakiimtu gacanta ku haysay koonfur ahaa wariyayaasha ugu cad-cad una hiilin jiray wadaaddadii xaqjirayaasha ahaa. Iminkana caadaystay inuu ku faafiyow mareegtiisu been abuur ka dhan ah waddanka Soomaaliland.

Dacwad suge, Mustafe, ayaa maanta loo cadeeyey, in kadib markii dhinac kastaba laga eegay falkan lagu soo oogay, ay u cadaatay qaybahii ku hawlanaa in uu ahaa been abuur lagula kacay masuulkaa. Waxaa isna warkaa si rasmi u shaaciyey, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland, wasiir Axmed X. Daahir, oo war-saxaafadeedkiisii ku sheegay inuu masuulku xilkii uu u hayey ummadda dib ula wareegi doono, ka dib markii lagu waayey wax danbi ah. Ma sheegin Wasiirku danbiyadda lagu waayey, iyo ciddii ka danbaysayba.

Ahmed Quick

Waridaad Media Centre

No comments: