Thursday, October 04, 2007

Madaafiic Hoobiyayaal ah oo Daqiiqo ka hor lagu weeraray Xarunta Villa Somalia

(Waridaad) - Xarunta Villa Somalia ayaa daqiiqado ka hor waxaa lagu weeraray Hoobiyaal dhowr ah oo aan la ogeyn meel laga soo tuuray.

Abaara 9:25pm ayay ahayd markii madaafiicda hoobiyayaasha ah lagu tuuray Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia oo fariisin u ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.

Lama oga ilaa iyo haatan cid Madaafiicdaas ku weerartay Xarunta Madaxtoyyda, hayeeshee waxaa loo maleynayaa in ay ka dambeeyaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya oo iyagu aalaaba weerarro ku qaada fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee Muqdisho ku sugan.

Kooxaha Weerarrada ku qaada Dowladda Federaalka Soomaaliya markii ay habeenno joogaanba waxay Madaafiic ku tuuraan Xarunta Villa Somalia oo uu degan yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, inkastoo madaafiicdaas aysan wax khasaare ah ka geysan gudaha Xarunta madaxtooyada.

Dhawaan ayay ahayd markii Kooxaha Hubeysan ee weerarrada ku qaada Ciidamada Dowladda Federaalka ay dagaal ku qabsadeen Saldhigga Degmada Hodan, Isla markaana ay halkaasi ku gubeen Gaari ay lahaayeen Ciidamadii Dowladda ee halkaas ku sugnaa iyo weliba Saldhigga laftiisa.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe waxay tahay mid aan ammaan ahayn oo ay ku dagaallamaan Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo weliba kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo ay sii dheer yihiin weerarradaas dilal loo geysanayo dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

No comments: