Friday, October 05, 2007

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo magacaabay Wakiillo cusub oo ay ku jiraan xubno hore uga tirsanaa xisbiga KULMIYE

(Waridaad) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa maanta soo saaray magacaabista wakiillo cusub oo Somaliland u fadhiyi doona waddamada dibadda qaar ka mid ah.

Sida lagu baahiyey Warsaxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, wasiirku waxa uu u magacaabay Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo ahaa Guddoomiyekuxigeenka 1aad ee xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa isagana loo magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiya Faransiiska. Cabdifataax Siciid Axmed ayaa isagana loo magacaabay Wakiilka Somaliland ee Ireland.

Sidoo kale, Maxamed Axmed Maxamed (Maxamed Aar) ayaa isagana loo magacaabay Safiirka ama Wakiilka Wareega.

Wakiillada kale ee Wasiirku magacaabay waxaa ka mid ah Wakiilka Somaliland u fadhiya Addis Ababa, Itoobiya, Mr. Maxamed Sheekh Xasan iyo Wakiilka Ingiriiska, Mr. Aadan Muuse Jibriil oo iyaga hore magacaabistoodu u soo shaacbaxday, balse hadda uun si rasmi ah loo soo saaray.

Wakiilladan cusub ee Wasiirka Arrimaha Dibaddu magacaabay ayaa warsaxaafadeedka Wasiirku ku tilmaamay mid qayb ka ah qorshe dib u habayn ah oo ay ku hawlan tahay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu. Hase yeeshee, waxa la filayaa inay qayb ka tahay xilal Madaxweyne Riyaale magacaabo markasta oo ay soo dhowaadaan doorashooyinku.

Waxaana magacaabistan ka dhex muuqda xubno hore uga tirsanaa xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, sida Maxamed Aar oo mar ahaa Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee UK, kadib markii xilka laga qaaday sheegay inuu is casiley, xisbigana dhalliilo u jeediyey.

Sidoo kale, Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) ayaa beryahan dambe la hadalhayey in xil loo magacaabayo, taas oo uu Fagadhe beeniyey, balse, uu sheegay inuu qaadanayo xil haddii loo magacaabo.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa, Somaliland

dubad@Somaliland.com

No comments: