Thursday, October 18, 2007

Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii 14/10/007 Ku Dhexmaray Hogaanka Sare Ee Xisbiga KULMIYE Iyo Hormoodka Beelaha Maxamed Case Guriga Siilaanyo

(Waridaad) - Sida ay lughaya News ka soo xigatay ilo xogogaal ah oo ka qaybgalay kulankaas ka dhacay hoolka shirarka ee Guriga uu degan yahay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE (Axmed Siilaanyo) ayaa waxa ay ilahaasi sheegeen in kulankaasi uu ahaa mid aad u culus oo ay labada dhinacba ( KULMIYE & Beelaha M/case) uga soo qayb galeen si culus , kulankaas ayaa ahaa mid aan haba yaraatee saxaafadda loo ogolayn oo ay dhinacyadaasi albaabadaa isu xidheen.

Hadaba sida uu noo sheegay goobjoogahaas oo ka gaabsaday in la sheego magaciisu ayaa waxa uu yidhi maalintii Axadii ee ay taariikhdu ahayd14/10/07 ayaa waxa guriga gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE (Siilaanyo ) ka dhacay kulan balaadhan oo ay isu soo hor fadhiisteen Salaadiin , Cuqaal , Odayaal , Xildhibaano , Ganacsato iyo dhalinyaro ka socotay Beelaha M/case ee degaanada Awdal oo uu hogaaminayay Suldaanka Guud ee Beelaha M/case Suldaan Ibraahim Jaamac Samater iyo Hogaanka sare ee Xisbiga KULMIYE oo isugu jiray Xubnihii Gugiga Fulinta iyo Xildhibaano uu hogaaminayay Gudoomiyaha Xisbiga Axmed Sillanyo iyo waliba C/raxmaan Aw Cali Faarax oo ahaa Murashaxii doorashadii 2003 ee M/xigeenka Xisbiga KULMIYE.


Ugu horay waxaa kulankaas hadalo ay mahad celin iyo Duur xulba isugu jira ah kasoo jeediyay qaar ka mid ah odayaasha beelaha M/case iyaga oo ku dooday inay maanta yihiin cida ugu xaq badan inay hesho Murashaxa M/xigeenka Js lee Xisbiga KULMIYE maadaama ay beeshu ka mid tahay beelihii aas aasay Xisbiga qaybweyna ka qaatay inuu xisbigani u soo gudbo marxakadda Xisbinimo waqtigii doorashooyinkii golaha Degaanka sidaas awgeedna ay yihiin qaar awood u leh inay xisbigan ka caawiyaan doorashooyinka soo socda maadaama ay yihiin beelahani cududa ugu wayn ee xaga codadka ah ee ka jirta Gobolka Awdal.


Sidoo kale waxa ay odayaashu hadalo amaan ah u soo Jeediyeen C/raxmaan Aw Cali faarah iyaga oo dhinaca kale hadalo garnaqsi ah u jeediyay isla C/raxmaan waxaanay sheegeen inay beelahani ahaayeen kuwii garab istaagay C/raxmaan doorashadii 1997-kii markii ay dhamaanba ka jeesatay beeshii uu kasoo jeeday ee ay ka raaceen Daahir Rayaale oo ay waqtigaas tartamayeen , sidoo kale waxa ay sheegeen inay taageero aad u badan u fidiyeen C/raxmaan waqtigii Ururkii Asad oo baalasha kaliya ee uu ku duulayay waqtigaas ay ahaayeen ragii ugu cadcadaa beelaha M/case sidaa awgeed waxa ay u soo jeediyeen inuu taageero murashaxnimada beelaha M/case.


Intaas ka dib waxa halkaas hadalo ka soo jeediyey xubno ka tirsan G/fulinta ee Xisbiga KULMIYE oo dhamantood cadeeyey sida ay u soo dhaweynayaan Beelahan iyo damacooda aanay taageeradooda siin doonaan beelahan iyaga oo sheegay inay yihiin Beelo mudan in la siiyo Murashaxan maadaama ay ka mid yihiin beelaha ugu miisaanka culus Soomaliland.


Hadaba waxaa xiiso gaar ah mudnayd markii uu halkaas hadal ka jeediyey C/raxmaan Aw Cali oo ah nin la hadal hayo inuu isaguna u sharxan yahay jagadan M/xigeenka ee xisbiga KULMIYE ayaa waxa uu isna goobtaas ka jeediyey hadalo uu aad ugu mahadnaqay Beelaha M/case iyo waliba isaga oo muujiyay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo oo garab istaabo beelahan waxaana ka mid ahaa hadaladiisii " Beelahani waa beelahaygii, Samaroonkuma waa sadex M/case , Makaahiil iyo Habarcarfaan, hadaba Beelaha M/case iyo Makaahiil ayaa hadana walaalo ah oo waxaa la isu yidhaa Makadoor sidaa awgeed waa beelahaygii horena iigumay iman odayaal ka tirsan beelahan oo iga codsaday inaan taageeero laakiin waxaa ii yimid Xildhibaanada Xisbiga ee beelahan iyo Saylici oo ii sheegay inay damac leeyihiin laakiim mar haddii ay maanta odayaashii joogaan waxaan diyaar u ahay inaan taageero beeshaasi waxa ay doonayaan". Hadalkaas ka soo yeedhay C/raxmaan ayaa ahaa mid aad loogu sacabiyay maadaama uu ahaa nin markii hore u sharaxnaa jagadan M/xigeenka laakiin muujiyay sida uu diyaarka ugu yahay taageerada beelahan ee kursigan.


Ugu dambayntii waxaa isna halkaas hadal dheer oo waano iyo talooyin isugu jira ka soo jeediyay Gudoomiya Xisbiga KULMIYE Axmed Sillaanyo oo sheegay sida uu ugu faraxsan yahay fadhigan uu la yeeshay beelahan oo uu ku sheegay inuu isaga iyo xisbigiisa macno gaar ah u samaynayo maadaama ay beeshani tahay mid miisaan aad u culus leh codad aad u badana u soo hoyn doonta xisbiga waxaana uu ku tilmaamay in haddii ay maanta beelahani tageereen Xisbiga in macnehedu yahay in Gobolkii Awdal oo dhami taageeray oo ay ka soo quusteen Xisbiga talada haya , sidoo kale waxa uu beeshan ku amaanay inay tahay beel kala dambaysa oo aan is barbaryaacin.


Xigasho: Lughaya News

No comments: