Thursday, October 18, 2007

Dadkii Ka Qaxay Dagaalkii Laascaanood oo Loo Diiday in ay Galaan Garoowe

(Waridaad) - Saraakiisha Maamul goboleedka Puntland, ayaa amartay in aanay soo gelin gudaha Magaalada Garoowe dadweynihii ka qaxay dagaalkii ay ciidamada Somaliland gacan ku haynteeda kula wareegeen Magaalada Laascaanood.Sida ay xaqiijinayaan wararka ka soo baxaya Masuuliyiinta Majeerteeniya waxa maamulka Cadde Muuse uu amray in dadweynahaasi u qaxay Garoowe lagu qasbo in ay dib ugu soo laabtaan deegaanka ay ka soo qaxeen ee Laascaanood.Wararka ka yimid Garoowe waxa ay intaasi ku darayaan in amarkan aanu saamayn ku yeelan doonin dadka dhalasho ahaan ka soo jeeda Deegaanada Majeerteeniya.

Warkan waxa sidoo kale xaqiijiyay Weriye Madax banaan oo ku sugan Magaalada Laascaanood Gaaxnuug , kaasi oo BBC-da u sheegay in dadkii Garoowe laga soo celiyay ay hadda ku sugan yihiin qaarkood tuulooyinka dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Laascaanood ee ay marto wadada isku xidha Laascaanood iyo Garoowe.


Dhinaca kale , waxa wararka ka imanaya Garoowe ay sheegayaan in Madaxweyne xigeenka Majeerteeniya Xasan Af Qudhac iyo Wasiirka Maliyada ee Maamulkaasi Maxamed Cali Yuusuf ‘’Gaa-gaab’’ ay isku af dhaafeen shirkii golaha Wasiirada ee uu hogaaminayay Cade Muuse , ka dib markii Af-Qudhac uu soo jeediyay in la abaabulo ciidamo guluf rogaal celis ah ku soo ekaysiiya ciidamada Qaranka Somaliland ee la wareegay gacan ku haynta gobolka Sool , taasi oo ka cadhaysiisay Wasiirka Maaliyada oo isagu ku sugnaa Laascaanood cidhifkeeda Koonfureed wakhtigii ay Magaalada La wada wareegayeen Ciidamada Somaliland.Sida wararkani ay sheegayaan waxa Mr Gaagaab uu ku dooday in ciidamadii ka soo jeeday Deegaanada Majeerteeniya lagaga baxay Dagaalka oo ay soo gaadhay dhimashada ugu badan Maleeshiyadii ka soo jeeday Deegaanada Majeerteeniya.


Mr Gaagaab waxa uu ku canaantay Madaxweyne ku xigeenka Putland in aanu waxba ka qaban xaalada ciidan ee Deegaanka Laascaanood oo uu sheegay in aanu awood ku dhex lahayn Af-Qudhac oo isagu ka soo jeeda Deegaanka Laascaanood ee gobolka Sool.


Wasiirka Maaliyada waxa sidoo kale uu canbaarayn dusha uga tuuray Taliyaha Maleeshiyada Majeerteeniya ee loo yaqaan Daraawiishta Cabdi Samad Cali Shire , kaasi oo isaguna dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Sool , isagoo ku eedeeyay in uu si xun u maamulay dagaalkii lagaga qabsaday Maleeshiyada Magaalada Laascaanood iyo hareeraheedaba.


Warar dheeraad ah , ayaa tibaaxaya in Madaxweyne Cade Muuse uu xilkii ka xayuubiyay Cabdi Samad Cali Shire oo mar ahaan jiray dhawr iyo Sagaashamaadkii Abaanduulihii ciidamada Qaranka Somaliland.


Author: Bahda Maandeeq


No comments: