Thursday, November 01, 2007

MAXAABIIS LAGA KEENAY MUQDISHO OO LA KEENAY GAALKACYO

(Waridaad) - Waxaa saaka subaxnimadii hore la keenay magaalada Gaalkacyo maxaabiis gaaraysa 14 dhalin yaro wadaado ah oo laga keenay magaalada Muqdisho. Maxaabiistaas ayaa si qarsoodiya waxaa loo geeyey guriga Islaanka beesha reer Mahad Islaan Bashiir Cabdulle oo ku yaala xaafada Israac ee magaalada Gaalkacyo.

Sarkaal ka tirsan ciidamadii keenay dhalin yaradan maxaabiista ah oo ka gaabsaday in la magaacabo oo ku sugan Hotel Catoos oo ku yaala bartamaha magaalada Gaalkacyo ayaa ii sheegay in maxaabiistan loo wado magaaalada Garoowe.

Waxaa kaloo ay ilo muhiima ii xaqiijiyeen in sababta loo keenay dhalin yaradan wadaada ah gobolada Puntland ay tahay in saxaafada loo sheego in dhalin yaradan laga soo qab qabtay jiida hore ee magaalada Laascaanood oo ay isku hor fadhiyaan ciidamo kala taageersan maamulada Puntland iyo Somaliland. Waxaana la rabaa in saxaafada la tuso oo la yiraahdo waa haraagii ciidamadii maxkamadaha oo ka bar bar dagaalamayey ama gacan siinayey ciidamada Somaliland ee qabsaday magaalada muhiim ka ah ee Laascaanood.

Waxaana mudo haatan laga joogo laba asbuuc ay wasiiro iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan maamulka Puntland ku eedeeyeen maamulka Soomaliland inay ka feer dagaalamayeen ciidamo ajanabi ah iyo haraagii ciidamadii maxkamadahii Islaamiga sidaas awgeedna ay ku qabsadeen magaalada qadiimiga ah ee Laascaanood.

Waxay kaloo wararku tibaaxayaan in dhalin yaradan maxaabiista ah loogu soo labisay surweelo gaagaaban iyo ciimaamado guduudan oo astaan u ahaan jirtey dhalin yaradii taageersanayd maamulkii maxkamadaha Islaamiga.

Magaalada Gaalkacyo ayaa arintan si weyn looga hadal hayaa waxaana aad looga walaacsan yahay oo fool xumo ku ah dadka reer Puntland in nin Isin ah uu aqbalo in gurigiisa dhalin yaro aan waxba galabsan maxaabiis ahaan loogu soo qariyo uuna raali ka nodo arintaas. Waana markii ugu horeysay ee uu nin Isim ahi sameeyo fal noocaan oo kale ah gobolada Puntland. Islaan Bashiir ayaa ah nin ay si weyn isugu dhow yihiin Cabdulaahi Yuusuf waxaana dadka qaarkiiis ay isla dhex marayaan in uu Cabdulaahi Yuusuf arinta ku lug leeyahay. Mar aan la xiriiray Islaan Bashiir si aan wax uga weydiiyo arinta ayey ii suurobi weydey.

Waxaa kaloo hada u muuqata dadka reer Puntland in maamulka Jeneraal Cadde Muuse ay ku fashilmeen inay difaacaan dhulka Puntland ayna hada u tafaxaysteen sidii ay mar-marsiiyo, been abuur aan sal iyo raad lahayn ugu qarin lahaayeen wax qabdad la’aanta uu maamulkoodu sameeyey. Waxaana la gudboon Jeneraal Cadde Muuse iyo maamulkiisa inay iscasilaan haddii ay ku guul daraysteen difaaca iyo horumarinta dalka.

Weriye Madax banana oo ku sugan Gaalkacyo-Puntland Soomaaliya

Cabdi Faarax

Allxarfo@yahoo.com

No comments: