
War saxaafadeed ay magaalada Muqdisho ka soo saareen golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye oo ay ku sheegeen "in la baab’iyo maamul goboleedyada dalka ka jira sida Puntland iyo Somaliland"Ururka HAG kadib markii uu dhinacyo badan ka fiirinay arimaha siyaasadeed ee ka socda geeska Afrika oo ah kuwo si xawli ah isku bedelaaya una baahan fikir dheeraad ah iyo siyaasad qotodheer ayaa waxaa lama huraan ah in laga foojignaado in shaki la galiyo arin aan shaki ku jirin oo ah in la is barbar dhigo dal horey u maray iyo maamul beeleed.
Markii uu bilowday dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Dalka Somaliya bilowgii 91kii ayey shacabka Somaliland go'aan ku gaareen in ay gooni isu taagaan si ay uga badbaadaan burburka,colaadaha iyo halaaga ku habsaday dalka Somaliya .
Taas oo dhaxalsiisay guulo wax ku ool ah oo la taaban karo oo ay ugu horeyso iskuduubni,kala dambeyn,istixgalin iyo samir taas oo aakhirkiina ay ka miro dhaliyeen kadib markii ay taabo galiyeen in ay dhistaan golaha guurtida iyo xisbiyo siyaasadeed ,kadibna dowlad ku timid si xaq ah oo ah one person one vote halkaa ay ka curatay.
Dowladaas xalaasha ah ee ka dhalatay Somalilan oo kaashaneysa goleyaasha,xisbiyada iyo dhamaan shacabkeeda ayaa waxay guul weyn ka gaartay in ay ku soo dabaasho degaanadooda nabadgelyo, cadaalad,horumarinta adeegyada guud ee bulshada iyadoo aan helin kaalmo wax ku ool ah oo dabooli karta baahidii markaas jirtay hadii ay noqon laheyd dhinac dhaqaale ama taageeradii looga baahnaa dawladaha iyo heyadaha caalamiga ah.
Ururka HAG wuxuu ku amaanayaa Dowlada Somaliland horumarka ay ka gaartay daryeelida dadkeeda oo ah waajibka koowaad ee Dowlada saaran iyo sida sharafta leh ee ay u dhowrto xeeraraka caalamiga ah iyo kuwa bani'aadanimo oo ay ka mid aheyd sidii diiraneyd ee ay ugu gargaareen shacabkii kasoo barakacay xasuuqii ka dhacay gobolka Banaadir,iyadoo kuwa Somali ama maamul isku sheegaaya (puntland) ay shacabkaas dhibaato u geysteen diideyna in ay degaanadooda cagaha soo dhigaan dareensiiyeyna in aan degaanadaas aysan dhulkooda aheyn.
Hadaba fikirka caafimadka qaba ayaa nafaraaya in Dalka Somaliland oo taariikhdaas kudayashada mudan soo bandhigay oo aan u aragno ileys kasoo baxay geeska Afrika in aysan mudneyn in la barbardhigo maamul beeleed (Puntland) oo aan ognahay in sababtii loo aasaasay ay salka ku heyso xin qabiil iyo carqaladeyn hanaan socodka geediga nabadeed ee ka hanaqaaday gobolada dalka Somaliland.
Ururka HAG wuxuu ku boorinaayaa dhamaan ummada Somaliyeed gaar ahaa beelaha Hawiye in ay dowlada iyo shacabka Somaliland ee aan walaalaha nahay ugu hambalyeeyaan horumarka lataaban karo ay gaareen ,laguna taageero in ay aqoonsi buuxa ay helaan kana midnoqdaan wadamada ku bahooday Qaramada midoobay(UN) si uu halgankii dheeraa ee ay soo mareen uu u noqdo mid mirodhal ah.
Hawiye Action Group
Mr. Liban Gabeyre
Executive DirectorToronto,
Canadahawiyeactiongroup@yahoo.ca
No comments:
Post a Comment