Monday, October 08, 2007

Saddexda Xisbi Qaran Iyo Komishanka Doorashooyinka Oo Heshiis Ka Gaadhey Dib U Dhigista Doorashooyinka Iyo Wakhtiga Ay Qabsoomayaan

(Waridaad) - Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo saddexda xisbi Qaran ayaa la sheegay inay isku raaceen heshiis dib loogu dhigayo doorashooyinka Deegaanka iyo Madaxtooyada oo qabsoomi lahaa 15ka December 2007 iyo 14 April 2008.


Heshiiskan oo aan si rasmi ah weli daboolka looga qaadin, warar aanu ka hellay ilo ku dhowdhow Komishanka Doorashooyinka iyo Axsaabta Qaranka, waxa dhinacyada oo dhami ku heshiiyeen in doorashada Deegaanka dib loo dhigo muddo 7 Bilood ku dhow, halka doorashada Madaxtooyada dib loo riixey muddo 3 bilood ah.

Sida wararkaasi sheegeen, doorashada Deegaanka waxa loo muddeeyey inay dhacdo 1da July 2008, halka Doorashada Madaxtooyada loo muddeeyey in la qabto 31ka August 2008.

Heshiiskani waxa uu ka dambeeyey wadahadalo ku saabsan qaabka ay u qabsoomi karayaan doorashooyinka soo socda oo beryahan dambeba dhexmarayey guddiyo ka kala socdey saddexda xisbi qaran iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxaana la sheegay in Madaxweyne Riyaale iyo Labada Guddoomiye ee labada xisbi ee mucaaridka ah, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe ay isugu iman doonaan munaasibad Komishanku soo qabanqaabinayo oo ay wadajir u saxeexi doonaan heshiiskaas maalmaha soo socda.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

E-mail: dubad@Somaliland.com

No comments: