Tuesday, October 09, 2007

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo qaabiley odayaal iyo waxgarad ka socda Beesha degmada Dila ee Gobolka Awdal oo ku soo biiray KULMIYE

(Waridaad) - Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ku qaabiley xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE odayaal, siyaasiyiin iyo waxgarad ka socda deegaanka Dila ee Gobolka Awdal (Beesha Reer Nuur) oo ku soo biiray xisbiga KULMIYE.

Odayaashaa iyo waxgaradkaas oo ka soo kicitimay magaalada Boorame iyo Degmada Dila waxa horkacayey Suldaan Yuusuf Aw Muuse oo ah suldaanka Beesha Reer Nuur iyo Prof. Ismaaciil Muumin Aar, waxay kulankaas kaga dhawaaqeen inay beeshu si buuxda u taageerayso xisbiga KULMIYE iyo Musharraxnimada Prof. Ismaaciil Muumin Aar uu dhowaan ku dhawaaqay inuu ka mid noqon doono ragga u taagan musharraxa Madaxweynekuxigeenka xisbiga KULMIYE doorashada Madaxtooyada ee soo socota. Waxayna ku martiqaadeen Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo hoggaanka xisbigaas deegaanka beeshaas ee Gobolka Awdal marka laga baxo bisha Barakaysan ee Rammadaan si ay indhahooda ugu soo arkaan taageerada bulshadoodu u hayso xisbiga KULMIYE iyo siyaasigooda, Ismaaciil Muumin Aar.

Suldaanka iyo odayaashu waxay qireen inay ku soo biireen xisbiga KULMIYE xilli dambe, balse, ay doonayaan wixii beeshoodu ka mudan tahay ama ay ka goosato xisbiga KULMIYE.

Kulankaas oo ay Guddoomiyaha ku weheliyeen xubno sarsare oo ka tirsan Guddida Fulinta ee xisbiga, waxay odayaashu ka jeediyeen hadal dheer oo baane iyo badheedhe ah, iyaga oo sheegay in sababta ay beeshu u dooratay inay taageerto xisbiga KULMIYE ay tahay iyada oo ay u muuqatay in xisbiga KULMIYE uu yahay mid ay ka mustaqbalka dalku ka muuqdo, isla markaana ay is waafaqayaan danta xisbiga iyo dantoodu.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, mudane Axmed Siilaanyo oo hadal soo dhoweyn ah odayaasha uga jeediyey kulankaas ayaa bogaadiyey ku soo biirista beesha Dila ee xisbiga KULMIYE, taas oo uu sheegay inay xisbiga ku soo kordhinayso miisaan weyn.

"Sharaf weyn iyo qiime weyn bay noo tahay anigoo ku hadlaya magaca xisbiga KULMIYE iyo taageerayaashiisaba inaan maanta halkan xafiiska (KULMIYE) idinku soo dhoweyno. Aad iyo aad bay qiimo weyn noogu tahay. Waxaanu idin leenahay walaalayaal qalbi furan iyo laab furan ku soo dhowaada, " ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

Waxana uu intaasi raaciyey oo uu uga warramay odayaasha xaaladda dalku marayo wakhtigan. Waxana uu sheegay in dalku nabadgelyo iyo midnimo ka jirto, balse, ay muuqato in loo baahan yahay halkaa hore looga sii dhaqaaqo oo dalka iyo dadka loo sameeyo horumar, sidii bulshada reer Somaliland isugu sii xidhnaan lahayd, Somaliland-na uga mid noqon lahayd beesha Caalamka, taas oo uu sheegay inay tahay sababta dadka reer Somaliland ugu soo qulqulayaan xisbiga KULMIYE, rajada weynna ay uga qabaan.

Guddoomiyuhu waxa uu soo dhoweeyey musharaxnimada Ismaaciil Muumin Aar, waxana uu sheegay in xisbiga KULMIYE uu yahay xisbiga ay ka dhab tahay dimuqraadiyaddu, soona dhoweynaya dadka damaca siyaasadeed leh, gudihiisana ay ku tartamayaan, isaga oo xusay inay jiraan dad badan oo kale oo damac leh.

"Waanu leenahay dad badan oo damac siyaasadeed ku jiro.. laakiin, waxaan ka midaysan nahay mid, waxaanu ka midaysan nahay inaanu xisbigaana midayno, barnaamujka xisbiga iyo ujeeddooyinka xisbiga ee aad ka hadasheenna inaynu ummaddeenna iyo dadkeenna gaadhsiino, " ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

"Waa calaamaadka xisbiyada ay ka jirto dimuqraadiyadda dhabta ahi. Xisbiyada aan taas oo kale lahayn ee aydinaan maqlayn cid baa ka taagan ee aan cidi hunguraynayn (musharaxiinta Madaxweynaha iyo M/weynekuxigeenka) ee aan cidiba hadal hayn; kuwaa weeye kuwa aanay dimuqraadiyaddu ka muuqan, kuwaa weeye kuwa aan dalka iyo dadku u baahnayn, " ayuu raaciyey Axmed Siilaanyo, isaga oo soo dhoweynaya musharaxnimada Prof. Ismaaciil Muumin.

Waxase uu sheegay inay ballan u tahay xisbiga iyo inta damaca leh in ay u wadahoggaansamaan waxa natiijadu noqoto iyo ciddii calafku siiyo ee ku guuleysata musharraxnimada xisbiga, isla markaana la wada ilaaliyo midnimada iyo ujeeddooyinka xisbiga.

Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Madaxweynekuxigeenkii hore ee Somaliland, haatanna ka mid ah xubnaha xisbiga KULMIYE ee u taagan musharraxa Madaxweynekuxigeenka xisbiga, kana soo jeeda Gobolka Awdal oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa ku tilmaamay ku soo biirista Beesha Dila ee xisbiga KULMIYE ay tahay garab iyo Gaashaan u soo kordhay isaga iyo xisbigiisa KULMIYE.

Waxa kale oo uu soo dhoweeyey musharraxnimada Prof. Ismaaciil Muumin Aar, oo uu sheegay in uu raalli ka yahay, uuna u arko haddii uu Ismaaciil ku guuleysto iyo haddii uu isagu ku guuleystoba mid isku mid ah.

Beesha Maxamed Case oo ka mid ah beelaha Awdal ayaa iyagu hore ugu soo biiray xisbiga KULMIYE, xaflad ballaadhan oo dhowaan lagu qabtay Hargeysa.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

E-mail: dubad@Somaliland.com

No comments: