Monday, October 22, 2007

Saddexda Xisbi Qaran oo Bayaan Taageero iyo Tallooyin ah wadajir uga soo saaray Xaaladda Gobolka Sool

(Waridaad) - Somaliland ayaa maanta wadajir u soo saaray hadal qoraal ah oo isugu jira baaq taageero iyo talo soo jeedin ah oo ku wajahan xaaladda Gobolka Sool.Saddexda xisbi, warsaxaafadeedkooda oo ay ku saxeexan yihiin guddoomiyayaasha labada xisbi ee mucaaridka ah, KULMIYE iyo UCID, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Faysal Cali Waraabe iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB, Maxamed Ismaaciil Bullaale, waxa uu ka dambeeyey kulan ay shalay la yeesheen Madaxweyne Riyaale oo ay iskaga xogwaraysanayeen xaaladda gobolka iyo isbeddelka ku dhacay maamulka gobolkaas.

Warsaxaafadeedka oo dhamaystiran wuxuu u qoran yahay sidan:-

Taageero:

Waxay saddexda Xisbi Qaran taageero buuxda siinayaan guusha dadweynaha gobolka Sool iyo ciidamada qaranku wadajirka u gaadheen. Waxaanu si gaar ah u hambalyaynaynaa dadweynaha reer Laascaanood ee ka gilgishay dulmigii iyo cadaadiskii ay ku hayeen maamulka Majeerteeniya iyo Imbegaati.

Talo Soo Jeedin:

  • Sadexda xisbi qaran iyo shacbiga reer Somaliland waxay soo dhaweynayaan dadweynaha gobolka Sool iyo bariga Sanaag guulaha ay gaadheen.

  • In loo muujiyo dadka deegaanka soo dhaweyn iyo in la sameeyo maamul isu dheelitiran oo dadka deegaanku ay ku qanacsan yahay.

  • In hay’adaha caalamiga ah ee ku sugan JSL ay si degdeg ah ugu gurmadaan dadka barakacay, ugu horrayna ay gaadhsiiyaan gargaarka aasaasiga ah.

  • Xisbiyada qaranku waxay u soo jeedinayaan xukuumadda iyo golayaasha qaranka in la sameeyo abaabul, wacyi gelin iyo abuuris guddi qaran oo taakulayneed.

  • Dadweynaha reer Somaliland gudaha iyo dibadba waxaan ka codsanayaynaa in gargaar hiil iyo hooba leh loo fidiyo shacbiga reer Sool iyo Sanaag Bari.

  • Waxa sadexda xisbi qaran ugu baaqayaan ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan [gudo iyo dibadba] in gurmad dhaqaale oo degdeg ah ay ku soo taakuleeyaan dib u dhiska iyo horumarinta gobolka Sool iyo Sanaag bari ee ay dhibaatadu ku habsatay 5tii sanno ee ugu dambeeyay si ay u soo kabtaan.

  • Sadexda xisbi qaran waxay ugu baaqayaan aqoonyahanka, waxgaradka iyo qurbo jooga reer Sool iyo Sanaag-bari inay inala qayb qaataan nabadaynta, dejinta iyo turxaan bixinta deegaamadaas.

Digniin:

Cabdillaahi Yuusuf Axmed waxaa sadexda xisbi qaran ee JSL uga digayaan in aanay uga dulqaadanayn ku soo xadgudubka xuduudda caalamiga ah ee Somaliland iyo sheegashadiisa deegaamo ka mid ah dalka Somaliland.”

Waridaad media centre

No comments: