Wednesday, October 10, 2007

Xiisad ka aloosan Bariga Berbera iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo iscasilaad qarka u saaran

(Waridaad) – Bariga magaalada Berbera ayaa lagu soo warramay inay ka aloosan tahay xaalad kacsan oo ka dhalatay dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda oo u dhexeeya ciidamada Ilaalada xoolaha ee xukuumadda Somaliland iyo kooxo ganacsato iyo kalluumaysato ah oo ka shaqaysta xeebaha bariga Berbera.

Xiisaddan oo soo jiitameysey tan iyo dabayaaqadii bishii hore, markii kooxo kalluumaysato ahi ay qabsadeen Markab laga leeyahay Giriigga oo ka kalluumaysanayey xeebaha bariga Berbera, kaas oo ay siidaayey kadib markii ay ka dejiyeen Kalluunkii iyo agabkii kalluumaysi ee markabkaa saarnaa, waxay cirka isku shareertay markii subaxnimadii hore ee Axaddii dorraad ay ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ee fadhigoodu yahay magaalada Berbera weerareen ganacsato yaryar oo xoolo nool ka dhoofinayey meel la yidhaahdo Siyaara oo bari ka xigta magaalada Berbera, halkaas oo foodda isku dareen ciidankaas iyo dabley dadka deegaanka ka soo jeeda.

Weerarkaasi waxa uu dhacay markii ciidanka Ilaalada Xeebuhu ay soo bidhaansadeen doon xoolo nool ka qaadaysey xeebta Siyaara, taas oo ay gacanta ku dhigeen, kadibna ay ka soo dabaduuleen doonyo ay wateen kooxo hubaysan oo ay leeyihiin ganacsatada halkaa ka dhoofinaysey xoolaha, kuwaas oo dib u soo qabsaday doontaas.

Lama sheegin wax khasaare ah oo iska horimaadkaasi geystey. Hase yeeshee, waxa uu ku soo beegmay iyadoo Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, mudane Cabdillaahi Cali Ibraahim oo Madaxweyne Riyaale u xilsaaray wax ka qabashada xaaladda jiiddaas xeebta Bariga Berbera uu barqadii Axaddii gaadhey xeebtaas, isaga oo doonayey inuu wadahadal la yeesho ganacsatada xeebtaas xoolaha ka dhoofisa.

Ganacsatada yaryar ee xoolaha ka dhoofiya xeebtaas ayaa la sheegay inay ka biya-diideen heshiiska xukuumaddu la gashay Ganacsadaha Sucuudiga ah ee AL-Jaabiri ee ay kootada ugu xidhay dhoofka xoolaha nool ee Somaliland, isla markaana xukuumaddu iska dhegatirtay dalabyo ay ku weydiisteen in ruqsad loo siiyo inay xoolaha u dhoofiyaan suuqyo kale oo aan Sucuudiga ahayn.

Wasiirka Gaashaandhigga, mudane Cabdillaahi Cali Ibraahim waxa la sheegay inuu ka cadhooday weerarkaas aanu ogeyn ee ciidanku ku qaaday iyo ciidamo kale oo la sheegay dhinaca Hargeysa ay ka tageen si ay gacan u siiyaan ciidanka Ilaalada Xeebaha. Waxaana la sheegay in isaga oo aan gaadhin ganacsatada uu dib ugu soo laabtay Berbera.
Wasiirku waxa la sheegay in markii isaga oo cadhaysan uu weydiiyey taliyaha ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Saldhigga Berbera loo sheegay amarka ciidankaasi ku weeraray Siyaara uu ka yimi dhinaca

Madaxweyne Riyaale, kadibna uu dib ugu soo laabtay Hargeysa.
Wasiirku waxa la sheegay in uu u arkay weerarkaas shirqool isaga loogu talagalay, sidaas darteedna, uu ku hanjabey in uu iska casilayo xilka haddii Madaxweyne Riyaale ka qancin waayo sababta uu tallaabadan weerarka ah u amray.

Weerarkan ayaa dhinaca kalena loo arkay qorshe Madaxweyne Riyaale xaalad kaga abuurayo deegaankaas oo hore loogu diidey Maraakiibta shisheeye ee Kalluumaysiga oo soo xaalufiyey xeebta Galbeed.

Wararku waxay sheegayaan in Wasiirku Berbera ku soo celiyey ciidamadii Hargeysa looga diray deegaamadaa Bariga Berbera, balse, wararka ugu dambeeyey waxay sheegayaan in ay socdaan dhaqdhaqaaqyo kale oo la iskaga horkeenayo dadka deegaankaa Bariga Berbera.

Wasiirka Gaashaandhigga, mudane Cabdillaahi Cali Ibraahim oo xilka wasaaraddaas hayey muddo dhawr bilood ah ayaa haddii uu is casilo ama khilaafka arrintan ka dhashay ee isaga iyo Madaxweyne Riyaale uu sababo in xilka laga qaado wasiirka, waxay taasi ka dhigaysaa Wasaaradda Gaashaandhigga meel xidhan Madaxweyne Riyaale iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka, waxana uu noqonayaa Wasiirkii Saddexaad ee wasaaraddaas ee ay isku dhacaan Madaxweyne Riyaale.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

E-mail: dubad@Somaliland.com

No comments: