Sunday, November 11, 2007

Dr. Maxamed Rashiid Iyo Lafo-gurka Xaaladda Gobolka Geeska Afrika


(Waridaad) - Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, waa aqoonyahan reer Somaliland ah oo khabiir ku ah lafo-gurka iyo faallaynta isbedelada siyaasadeed ee ka dhaca guud ahaan qaaradda Afrika iyo dunidaba gaar ahaan gobolka Geeska Afrika. Waxa uu shahaadada MA ku haystaa culuunta Social Anthropology, sidoo kalena waxa uu shahaadada PHD ku qaatay culuunta siyaasadda (Political Science) isaga oo ka qallin jebiyay jaamacadda London University, gaar ahaan School of Oriental and African Studies (SOAS).

Waxa uu qoray buugaag tiro badan oo ku saabsan bulshada Somalida ah, waxaanu ka soo shaqeeyay Idaacadda BBC-da, xarunteeda Bush House ee magaalada London sannadihii 1985—1998, haddana waxa uu degenyahay oo uu ka shaqeeyaa magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Haddaba, waxa uu maanta lafo-gur ku samaynayaa siyaasadaha gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan siyaasadda dalka Somaliya oo hadda xaaladiisu aad u cakirantahay. Si gaar ah waxa uu maanta uga xog waramayaa oo uu faallaynayaa shakhsiyada nin muddooyinkan dambe la hadal hayay in loo magacaabi doono Raysalwasaaraha cusub ee dawladda Cabdillaahi Yuusuf kaas oo lagu magacaabo Prof. Cali Jimcaale Axmed iyo weliba afkaarta siyaasadeed ee uu ninkaasi aaminsanyahay.

Ugu horayn Dr. Maxamed Rashiid, oo shalay u xog waramay wargeyska Geeska Afrika, waxa uu ka hadlayaa aqoonta uu u leeyahay Prof. Cali Jimcaale, waxaanu yidhi, “Prof. Cali Jimcaale Axmed waa nin aqoonyahan ah oo jaamacad ku taala magaalada News York ee dalka Maraykanka ka dhiga maadada dhaqanka iyo suugaanta, waana maaddo uu aad wax uga qoray. Aniga waxa iigu horaysay sannadkii 1989-kii oo aan ugu tagay magaalada Los Angles ee dalka Maraykanka markaas oo uu dhammaynayay shahaadadiisii PHD, waxaanu ahaa dadka Afrikaanka ah ee aadka u firfircoon. Waa nin aad looga yaqaan goobaha cilmi baadhista iyo kulamada gobolka Geeska Afrika gaar ahaan Somalida, waxaanu xubin ka yahay ururka cilmi baadhista ee Somalida oo dhan kulmiya. Prof. Jimcaale waa nin aqoontiisa bulshada iyo guud ahaan caalamkuba aad u fidsantahay. Marka laga hadlayo dadka aqoonyahanka ah qofna waxa la yidhaahdaa Musaqaf, qofna waa caalim. Musaqafku waxa weeyaan qof baaxadda iyo aqoonta uu caalamka u leeyahay aad u fidsantahay, waana nin aad u kala yaqaan bulshooyinka dunida, Afrikana aad ayuu u kala yaqaan.

Toban sanno ka bacdi wakhtigaas aanu Maraykan isku aragnay waxaanu isugu nimid magaalada Helsinki ee wadanka Finland oo aanu kaga qayb galay shirweyne Somalidu lahayd. Waanu sheekaysan jirnay muddaas oo ahayd toddobaad, waxaanan ka wada sheekaysan jirnay waayaha adduunka iyo dabcan dhaqanka iyo suugaanta Somalida, siyaasadda guud ee gobolka Geeska Afrika iyo arrimaha dadka Somalida ah iyo taariikhdooda. Waxaana markaas iiga soo baxay inuu yahay nin garashada uu u leeyahay mujtamaca Somalidu aad u baaxad weyn tahay. Ka bacdi mar iyo laba waanu is aragnay, afkaartiisa siyaasadeedna waxa weeye inuu ka soo baxay intii uu joogay Somaliya dhinaca fikradda lagu magacaabo siyaasadda dhexdhexaad ah oo macnaheedu yahay inuu yahay nin caalamka midigta ka xiga iyo kuwa bidixda ka xigaba u dhexeeya, laakiin markii hore u yara janjeedhsanaa xagga bidixda, waxaanu aad u yaqaanaa wixii amuurtaas laga qoray, markii uu Maraykan tagayna wuxuu ahaa dadka hour-socodka ah ee Jaamacadaha maraykanka aad looga yaqaano. Markaas waa nin qof ahaan aad u dhowrsan oo marka uu hadlayo qunyar hadla, waana nin cilmiga Somalida sida Diin, Qabaa’ilka iyo taariikhdoodaba aad u yaqaana.”

Dr. Maxamed-Rashiid oo la weydiiyay cidda uu aaminsanyahay inay Prof. Cali Jimcaale ugu ololaynayso Raysalwasaare inuu noqdo waxa uu yidhi, “Horta Rambo [Weriyaha], waxaan filayaa sida aynu wararka ku hayno waxa la leeyahay waxa wata Maraykanka oo la leeyahay ninku Maraykan ayuu wax ka baran jiray, waana mid la malayn karo taasi. Warka Cali Jimcaale imika uun maaha laakiin asxaabtiisu muddaba way hadal hayeen, haddii ay noqoto inuu Maraykanku yahay qolada ugu weyn ee wata, horta Maraykan waxa werwer weyn ayaa ka haya Somaliya, waxaana la doonayaa qof ay ku kalsoonaan karaan dadka Somalida ahi, dhinaca Itoobiya iyo Ereteriyana aqoonyahankoodu aad ayay u yaqaanaan, waana nin kutub badan qoray oo buugaagtiisa laga akhristo gobolada Geeska Afrika gaar ahaan Addis Ababa. Markaas waxa laga yaabaa in Maraykanku ka fikirayaan inuu Cali jimcaale yahay qofkii dadka isu keeni lahaa noqdana qof lagu daydo waanan hubaa in lagu dayan karo.”

Mar la weydiiyay Dr. Maxamed Rashiid, haddiiba Prof. Jimcaale loo magaacabo Raysalwasare, saamaynta uu Somaliland ku yeelan karo waxa uu yidhi, “Horta waa nin dhallinyaro ah oo cusub garashadiisuna tahay sidaas aynu kor ku sheegnay. Waxa laga yaabaa inuu noqdo nin aad ugu dedaala nabadgelyada, inuu isku dayo inuu ka digtoonaanado hadalo qadaf ah. Raggii dhulkaas ka soo baxay waxa had iyo jeer lagu waday inay wax gartaan oo ay ogaadaan in arrinta ugu weyn tahay in Somaliland aanay dib ugu soo noqonayn Somaliya. waad ogtahay in Cali Geedi Somaliland la soo galay hadalo dar dar ah oo aanu markii dambe mahadin, Cabdiqaasim waad ogayd sidii Hargeysa markii hore loogu soo dhaweeyay iyo waxa uu markii dambe la soo baxay. Markaas taasi waxay ku xidhnaan doontaa sida uu hadba u dhaqmo, waxaanan Jimcaale kula talin lahaa inuu marka u horaysa taageerayaashiisa ka dhigto dadka qurbaha ku nool guud ahaantood ee mutacalimiinta ah, waayo dadkaas ayay is fahmayaan. Marka labaad waa inuu Somaliland hawsheeda iyo mawqifkeeda aad u garto, taas oo u noqon karto arrin siyaasiyan u caawisa, waana inuu markaba dawladda Somaliland la sameeyaa xidhiidh wanaagsan, oo uu noqdo nin isku daya inuu ku dhawaaqo inaanu qaddiyadda Somaliland waxba ka qabin ee laba dawladood oo Somali ah aan wada wadno uu yidhaahdaa.

Waa inuu marjaciyadiisa ugu weyn ka dhigtaa Hargeysa, halkii uu ka dhigan lahaa Nayrobi iyo meelo kale, dawladda Somaliland-na waxaan kula talin lahaa haddii Jimcaale ama qof kale oo macquuli soo baxo inay mar kale ku dayaan inay halkan ku casuumaan oo la soo dhaweeyo. Waxa kale oo jirta in Prof. Jimcaale ka mid yahay dadka aadka u neceb nidaamka kala teliska ah, waxa aan war-war ka qabaa tallada ay wada gaadhi karaan Cabdillaahi iyo isagu, dhinaca kale Maxkamadihii Islaamiga ahaa oo hadda nidaam samaystay iyana waxa su’aal ah sida uu ula dhaqmi doono, waayo waa umad taageero haysta, waana inuu isku dayaa sidii uu ula xaali lahaa, waayo waa nin diinta aad u yaqaan, qofkuna waxba ma keeni karo waxna ma qaban karo haddii aanay Somalidu taageero siinin.”

Mar la weydiiyay inuu qabo in iscasilaadii Geedi keeni karto qalalaase xoog badan, waxa uu yidhi, “Horta Ramboyoow; ninka la yidhaahdo Cali Geedi waa nin ka go’ay xudunta siyaasiga ah ee Somalida meel kasta ha joogtee, wuxuu ahaa nin xudunta la ilaaliyo ee Somalida isku xidha aad uga baxay oo marjiciyad ka dhigtay meelo kale. Tusaale; waa ninka dadkii Muqdisho ka qaxayay ku tilmaamay argagixiso, markaas waa nin damiirkiisu aad u fogaaday, umana malaynayo inuu wax saamayn ah ku keenayo Somaliya, waayo wuxuu ahaa nin xukunka daaqad ka soo galay, waxaanad is odhanaysaa malaha Cabdillaahi Yuusuf ayaaba dhaamay oo markuu iska soo taagay yidhi meeshu inooma soconayso, waxaana suurto gal ah in Cabdillaahi Yuusuf ka yaabay siduu Geedi wax u waday. Markaas ma qabo inuu wax saamayn ah ku yeelanayo xukunka Somaliya.”

Wargeyska Geeska Afrika

No comments: