Sunday, November 11, 2007

Xisbiga European Liberal Democratic Reform (ELDR) Oo Ku Baaqay In EU-Du Aqoonsato Somaliland


(Waridaad) - Berlin, November 11, 2007 (Haatuf) – Xisbiga Saddexaad ee ugu weyn axsaabta siyaasadda ee dalalka Midawga Yurub ayaa si rasmi ah ugu baaqay wadamada xubnaha ka ah Midawga Yurub inay aqoonsadaan Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Xisbigan oo magaciisa la yidhaahdo ELDR European Liberal Democratic Reform oo ka hawlgala 27-ka wadan ee uu ka kooban yahay Midawga Yurub, isla markaana ah isbahaysi axsaab siyaasadeed oo ka kala jirta wadamada Midawga Yurub oo ay midaysay afkaarta la yidhaahdo Liberalism (Ilaalinta afkaarta xorta ah iyo isu tanaasulka ku dhisan) ayaa shirweynihiisii sannadkan oo lagu qabtay 18-19 October, magaalada Berlin ee xarunta dalka Germany waxa laga soo saaray baaq lagu taageerayo qaddiyadda madax banaanida Somaliland, iyada oo xubnaha wadamada Midawga Yurub-na u xisbigu ugu baaqay inay si guud iyo si gaar ahba u aqoonsadaan qaranimada Somaliland.Shirweynahan oo shantii sannadoodba hal mar uu xisbigu qabsaday, waxa ka soo qayb gala ergooyin tiradoodu kor u dhaaftay 600-700 oo qof, waxaana lagu doortaa hogaanka siyaasadeed ee shantii sanadoodba mar hagaya siyaasadda xisbigaasi ee wadamada Midawga Yurub ee uu ka hawlgalo xisbigu.

Xisbigan waxa uu kaga qayb galaa doorashooyinka ka dhaca wadamada Midawga Yurub si gaar ah oo dal dal ah iyo si guud oo ah tartanka loo galo xubnaha aqalka Baarlamaanka Midawga Yurub oo ay tiradiisu dhantahay 785 Mudane, waxa uu ku leeyahay 104 Mudane, halka ay labada xisbi ee mudanayaasha ugu badan lihina ay kala leeyihiin 178 oo uu leeyahay xisbiga la yidhaahdo Socialists Party of European Socialists iyo xisbiga Conservative European People’s party oo isaguna leh 216 Mudane.

Sidoo kale, xisbigan shirweynihiisii Berlin ku taageeray qaddiyadda madax banaanida Somaliland waxa ay xubnihiisu jagooyin sar-sare ka hayaan 11 dal oo ka mid ah 27-ka dal ee Midawga Yurub, iyada oo ay shan dalna xubnaha xisbigani Ra’iisal Wasaare ka yihiin, waxaanay kala yihiin wadamada Estonia, Denmark, Filand, Belgium, iyo Romania.Sida ku cad warbixinta xisbiga waxa xubno ka ah in ka badan 170,000 oo ka mid ah dhalinyarada afkaarta xorta ah ee Midawga Yurub.

Haddaba, Xisbiga ELDR ayaa war murtiyeedkiisa uu ku taageeray qaddiyadda madax Banaanida Somaliland waxa uu ku yidhi. “Go’aanka shirweynaha xisbiga ELDR ee Berlin ee 18-19 October ee Somaliland.

1. Afar maalmood ka dib markii ay madax banaanideeda ka qaadatay Boqortooyadda UK, waxay heshiis midaw ah la gashay dalka cusub ee isna madax banaanidiisa qaatay ee Somalia.2. Ka dib markii uu dhacay Kelidii taliyihii Siyaad Barre, isla markaana ay Koonfurtu gashay xaalado qalalaase iyo dagaalo hor leh, Maxmiyadii Ingiriisku waxay ka baxday midnimadan, waxaanay jeexatay jid cusub oo barnaamijkeedu yahay dimuqraadiyad iyo suuq xor ah.3. Somaliland waxay ku dhawaaqday in aanay midnimo dambe kula sii jiri doonin jaarkeeda (Somalia).Xisbiga ELDR waxa uu ugu baaqayaa Midawga Yurub iyo wadamada xubnaha ka ah inay aqoonsi diblomaasiyadeed siiyaan Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay si firfircoon ugaga ololeeyaan Midawga Afrika inuu aqbalo Somaliland aqoonsigeeda, iyo in aanay ahayn gooni u goostayaal, balse ay yihiin dal dimuqraadi ah oo ka baxay midnimadii ay kula jiray dal fashilmay (failed state)”.Waa markii ugu horeysay ee xisbi ka tirsan xisbiyadda siyaasadeed ee wadamada reer Yurub si rasmi ah ugu dhawaaqo taageerada qaddiyadda Somaliland tan iyo intii lagu dhawaaqay sannadkii 1991-kii.

Talaabadani ayaa la filayaa inay wax ka bedeli doonto siyaasadda ay dalalka Midawga Yurub kula dhaqmaan Somaliland, haddii ay Xukuumadda Somaliland si wanaagsan uga hawlgasho, isla markaana isticmaasho xubnaha xisbigan ee wadamada Midawga Yurub mansabyada sar-sare ka haya.
Xigasho: haatuf.net

No comments: