Thursday, November 22, 2007

Maamulka Badhan Oo Si Toos Ah Iskii u Hoos Yimid Taliska Qarankiisa JSL.

(Waridaad) - Sidaa Waxa uu Maayarka Degmada Badhan Axmed Maxamed Cismaan ka Cadeeyey Xaflad shalay lagu qabtay Magaaladaasi,isla markaana sheegay inay dadka degmadaasi ay ka mideysan yihiin mowqifka Somaliland oo ay sidaa ku taageereen.

Taliyaha Ciidamada Gurey ayaa isaguna ka dhawaajiyey in maanta Magaaladii oo dhan ay la wareegtay Xukuummada Somaliland, isla markaana Calankii Somaliland laga wada taagay Guud ahaan Magaaladii oo dhan.

Waxaanay Masuuliyiintii Magaaladaasi dhamaantoodba iyaga oo mowqif mideysan isku raacsan sheegeen inay uga soo digo rogteen maamulkii Marjeerteeniya ee ay hore uga tirsanaan jireen,kuwaas oo ay ku tilmaameen inuu noqdey mid fadhiid ah oo fashilmey oo aan wax horumar ah oo la sheego la iman,sidaa awgeed laga bilaabo maanta ay wax la qabsanayaan dadkooda Somaliland.

Arritan ayaa ka danbeysay kadib markii ay dhawaan Ciidamada Somaliland ee Jiida hore la wareegeen gacan ku haynta Guud ahaanba Gobolka Sool iyo maamulkiisa, kadib markii ay jabiyeen Maamulkii majeerteeniya ee ka talin jiray Gobolkaas.Tan iyo intii ka danbeysay Wakhtigaasi waxa si is-daba-jooga loo dareemayey isla markaana isaga soo daba dhacayey taageerada iyo is-bedelada Maamuleedyada Degmooyinkii iyo shacbigii hore u taabacsaan jiray Maamulka Putland,ayaa wakhtigan isugu soo luga duwadeen dhinaca Xukuummada Somaliland.

Mustafe Cabdi Maxamed [Mustafe-Janaale]

1 comment:

Anonymous said...

Riyo!. Waryaadha iska daaya khiyaaliga aad ku jirtaan. Runtana u noqda. Reer Badhameed iyo Majeerteen way wada dhasheen