Monday, November 26, 2007

Ciidamadda Booliska Somaliland Oo Xidh xidhay Qaar Ka Mid Ah Ergaddii Shirkii Boocame

(Waridaad) - Wararka hadda naga soo gaadhaya magaaladda Laascaanod ayaa waxay sheegayan in ciidamadda Booliska Somaliland xidheen laba xubnood oo ka mid ah ergooyinkii ka qeyb qaatay shirkii dhowaan ka dhacay degmadda Boocame. Labadaas nin ee la xidhay maanta ayaa mid magaciisa waxa la sheegay in la yidhaahdo Oday Hurre Caalin halka ninka kale magaciisu aanu wali soo bixin.

Degmadda Boocame ee gobolka Sool ayaa waxa dhowaan ka dhacay shir ay isugu yimaaden dhamaan garaadadda reer Sool iyo wefti wasiiro iyo garaado ka socday maamulka Puntland, sida wasiiraada Sool ee maamulka Puntland iyo issimada Garowe. Qodobadii shirkaas lagu ansixiyey ayaa waxa ka mid ahaa oo ugu miisaan weynaa in dagaal lagu qaado ciidamadda Somaliland iyo beelaha kale ee Somaliland iyada oo garaad Cabdisalaan oo afhayeen u ah garaadadda Sool uu BBC ka sheegay in dagaalku daba dheeraan doono oo geel la kala qaadi doono.

Guddida nabadgelyadda gobolka Sool ayaa hore u iclaamisay in ciddii ka qayb gashay shirkaas dagaalka lagu iclaamiyey la xidho doono, haddii aanay ku daadafeyn go’aanadii shirkaas muddo sadex cisho gudaheed ah.

Dhamaan wadooyinka laga soo galo magaaladda Laascaanod, gaar ahaan kaantaroolka Bari ee magaaladda ee dhinaca Garoowe ayaa waxa la dhigay ciidamo Boolis oo dheeri kuwaas oo baadhaya dhamaan gawaadhida soo galaya magaaladda, suaalana weydiinaya dadka la socda.

Xigasho: Somaliland.Org

No comments: