Thursday, November 08, 2007

Somaliland Oo Markii Ugu Horeysey Xoolo Udireysa Dalka Maleysiya

(Waridaad) - Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Idiris Ibraahim Cabdi, ayaa daboolka ka qaaday in markii ugu horeysay Somaliland u dirayso xoolo dalka Maleesiya, iyada oo Bishan gudaheeda markab sida 3000 oo Dibi ka ambabixi doono dekeda Berbera.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, ayaa hadalkan ka jeediyay Maxjarka Magaalada Berbera laga dhisayo , oo shaley wefdi Wasiiro , Xildhibaano iyo xubno kale ku tageen Booqasho la xidhiidha sida Dhismaha Maxjarkaasi u socdo.

Wefdigan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Xoolaha, Beeraha, Qorshaynta , Dib u Dejinta, Maaliyada iyo Xildhibaano ka kala tirsan Golaha Guurtida iyo Wakiilada, ayaa Wasiirka xooluhu isagoo ka hadlaya Saddex kun ee dibi ee dalka Maleesiya loo dirayo waxa uu yidhi ‘’hadda waxa Maleesiya loo dirayaa 3000 kun oo dibi ee gu horeeyay xoolo nooga dhoofa Maleesiya , waxaanu baxayaa markabkii qaadayay bishan , waxa loo qaybiyay toban nin oo ganacsatada Somaliland ah oo midkiiba 300 boqol oo dibi inuu dirsado la siiyay , toddobaadkana waxa Somaliland imanaya Afar dhakhtar oo Wasaarada Beeraha Maleesiya ka socda’’.Wasiirku waxa kale oo uu ka waramay wefdigii uu Madaxweyne ku xigenku hogaaminayay ee dalka Maleesiya booqashada shaqo ku tagay oo uu isna ka mid ahaa heshisyadii ay isla soo gaadheen dalka Maleesiya ee ku saabsanaa inay Somaliland xoolo ka qaataan, inana arday inoo qaadaan.

Maqaalkii oo dhamaystiran

No comments: