Thursday, November 15, 2007

WARAR SHEEGAAYA IN SIYAASIYIINTA URUKA QARAN XABSIGA LAGA SOO DAYNAAYO MAALINTA JIMCAHA AH

(Waridaad) - Hargeisa - Warar Dadweynaha ku dhaqan Magaaladda Hargeisa isla dhexmarayeen labaddii caano maal ee ugu dembeeyey ayaa sheegaaya in maalinta Jimacaha ah xabsiga laga soo daynaayo Hogaanka sare ee Urur Siyaasadeedka Qaran.
Hogaanka sare ee Ururka Qaran oo kala ah Guddoomiyaha Ururka Dr.

Mohamed Cabdi Gaboose, Guddoomiye xigeenka 1aad Eng. Mohamed Xaashi Cilmi iyo Guddoomiye xigeenka 2aad Mujaahid Jamaal Caydiid Ibraahin, ayaa muddo afka u saran afar bilood ku xidhan Xabsiga weyn ee Mandheera.

Wararkan ayaan si rasmiya uga soo shaac bixin Xukuumadda Somaliland, balse Xukuumadu waxa ay dhawr jeer kaga dhawaajisay inay Xabsiga ka soo daynayo hogaanka Urur Siyaasadeedka Qaranka.

Hogaankan Urur Siyaasadeedka Qaran ayaa hore gaashaanka ugu dhuftay inay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale kaahin Cafis Madaxweyne weydiistaan, iyaga oo ku tilmaamay arrintaas inay tahay mid aan sinaba macquul u ahayn, isla markaasna aanay jirin wax dembi ah oo ay gaysteen.

Xisbiyadda Mucaaridka ah ee Somaliland, Ururada Xuquuqul iinsaaka, kuw caalamiga ah iyo kuwa Dawliga ahba, dhammaantood waxa ay Xukuumadda Somaliland ugu baaqeen inay Xoriyadooda u soo celiyo Siyaasiyiinta Ururka Qaran.

Ugu dembayntii, Xukuumadda Somaliland ayaa u muuqata mid imika dhug u yeelatay baaqyadda ka soo yeedhay dhamaan Hay’adahaas iyo Xisbiyadda mucaaridka ah, hadii ay wax ka jiraan wararka sheegaaya in maalinta Jimcaha ah la soo daynaayo Siyaasiyiintaas Ururka Qaran.

Somaliland Future Online
Hargeisa, Somaliland
Mohamoud Mohamed Hashi

No comments: