Wednesday, November 14, 2007

Xuseen Caydiid oo ciidamada Eleteriya xabsiga u taxaabeen ka dib markii looga shakiyey basaasnimo

(Waridaad) - Wararka ka ka imaanaya magaalada Asmara ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee dalka Eleteriya ay xabsiga u taxaabeen Xuseen Caydiid oo ka mid ah isabahaysiga dhowaanta lagu dhisay magaalada asmara.

Xariga Xuseen caydiid ayaa sida waraku nagu soo gaadhayaan yimid ka dib markii xukuumada Eleteriya iyo isbahaysiga uu ka mid yahay ay uga shakiyeen in uu ushaqeeyo dowlada Ethiopia.

Ma jiraan ilaa hada cid madax banaan oo si rasmi ah u xaqiijisay xadhiga xuseen caydiid, sidoo kale ma jiro war ka soo baxay dowlada Eleteriya iyo isabaysiga dib uxoraynta Somalia toona oo la xidhiidha xadhiga xuseen caydiid ,wallow wararka sida hoose lagu helayo ay sheegayaan in xuseen caydiid ku jiro xabsi ku yaal galbeedka magaalada Asmara.

Xuseen Caydiid oo ka mid ah raga ugu caansan hogaamiyayaashii wakhtigoodu dhamaaday ee magaalada Mogadishu ka talinayey tan iyo intii ay burburtay dowladii dhexe ee Somalia ayaa beryahan danbe waxaa la soo deristay xaalada adag oo dhinaca siyaasada ah , caydiid ayaa laba jago oo aad u muhiim ah ka soo qabtay dowlada Federaalka ee Somalia , waxyar ka dib markii uu xuseen caydiid ku wareejiyey Villa Somalia Madaxwayne C/laahi yuusuf ayaa hadana waxaa uu ku biiray mucaaradka dowlada ee ku sugan Eleteriya taas oo la yaab ku noqotay in badan oo taageerayaashiisa ah.

Afnugaal news desk

Info@afnugaal.com

No comments: