Saturday, December 15, 2007

Alle ha u naxariistee Waxa maanta shil Baabuur ku geeriyooday Guddoomiyihii Golaha deegaanka ee Gobolka Saaxil, isla markaana ahaa Maayarkii Magaalada

(Waridaad) - KULU NAFSIN DAA'IQATUL MOOT

Alle ha u naxariistee waxaa maanta shil baabuur ku geeriyooday Guddoomiyihii Golaha deegaanka ee Gobolka Saaxil, isla markaana ahaa Maayarkii Magaalada Berbera Siciid Daa’uud Cilmi, iyo mid ka mida askartii ilaaladiisa oo la socday.

Sidaa waxa Shabakada Hadhwanaagnews u xaqiijiyey dad ka mida eheladiisa oo aanu khadka Mobile-ka kula xidhiidhay, iyaga oo wakhtigaa ku sugnaa Magaaladda Berbera.

Sidda ay tibaaxeen wararka naga soo gaadhaya magaaladda Berbera ayaa sheegay inuu shilku dhacay Saacaddu markii ay ahayd abaaro 1:00 duhurnimo iyo daqiiqado, kana dhacay meel u dhexeysa Hargeysa iyo Berbera oo la yidhaahdo Dacar Budhuq, markaas oo uu marxuumku ka an-babaxaxay magaalada Hargeysa, isaga oo u sii jeedey Berbera.

Ciidanka nabadgelyada wadooyinka Somaliland ayaa baadha sababta shirka keentay, inkasta oo la sheegay inuu shilkani ka danbeeyey kadib markii uu baabuurka uu duqa magaaladdu wade ka ahaa taayir u baxay, isla markaana uu la dhacay gaadhigii.

Waxaana la filayaa goor dhow in aas heer qaran ah loogu xabaalaha Magaalada berbera, wufuud culus oo isugu jirtay oo ka kow yahay Shirgudoonka Golaha Wakiillada, oo uu horkacayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, wasiiro, xildhibaano iyo dadweyne tira badan ayaa ku sii qul-qulaya Magaalada Berbera, si ay uga qeybgalaan jinaasadda aaska marxuum, Siciid Daa’uud Cilmi.

Mustafe janaale Hadhwanaag
janaale94@yahoo.com

No comments: