Friday, December 14, 2007

STAAFURULAA BEESHA REER NUUR

(Waridaad) - Geed yahow mawaxaan ku moodnay mise waxaad noqotay, Udub waxaan moodayney una qabnay xisbi umadeed oo ka taliya danaha Somaliland, wuxuuse noqday xisbi qabiil oo ku salaysan cadaalad daro, xatooyo xoolo dadweyne, musuqmaasuq, waana xisbi ka shaqaynaya dib u dhaca somaliland.

xatooyada waxa markhaati madoonto ah sida maalintana u cad falalka Daahir ku kacay ee ka mid yihiin in xoolaha umada guryo ugu dhisay reerkiisa uuna ka dhistay Dubai, Cairo , Canada.

Ilaa intaas indhaha ayay umaddu ka laabnaysay , waxaan se leenahay hadaan nahay beesha reer nuur in mardanbe aanan u dul qaadanayn maatida xoolahooga lagu tagri falayo, beesha Reer Nuur Daahir wuxuu khasab kaga dhigay in Udub noqdaan kii diidana shaqada laga eryo, mana ogolin in Jibriil Yoonis umadda Reer Nuur daba joogaan ilaa aakhiro.

waxaanan maanta cadaynaynaa hadaa nahay beesha Reer Nuur ee qurbo jooga in aan taageer sannahay xisbiga KULMIYE ee Prof. Ismaaciil Muumin Aar oo ah aqoonyahannada reer Nuur isu taagay musharraxa Madaxweynekuxigeenka ee xisbigaas doorashada Madaxtooyada ee soo socota.

NOOLOW PROF ISMAACIIL MUUMIN AAR

WABILLAAAHI TAWFIIQ

Ahmed Garaad

Edmonton, Canadaahmedgaraad14@yahoo.com

No comments: