Tuesday, December 25, 2007

Dal La Gumaysto Dawlad Ma Leh

(Waridaad) - Somalia waxay bishii Diisambar 28, 2006 ku dhacady gacanta gumaystaha madow ee Ethiopia oo ah cadowga kowaad ee Somalidu ku leedahay Geeska Afrika qarniyaal sidaasna waxaa lagu waayay dawladnimadii, qaranimadii iyo madaxbanaanidii Somalia. Cadowga Ethiopia waxa uu weligiiba ku taamijiray tirtirka ummadda Somaliyeed si uu u qabsado dhulkooda iyo xeebahooda uu baahida weyn u qabo islamarkaana ka suuliyo Diinta Islaamka Geeska Afrika nacayb uu u qabo awgeed. Dal la gumaysto, sida Somalia maanta, marnaba ma yeelankaro dawlad sida:- Madaxweyne, ra`iisal wasaare, xukuumad iyo baarlamaan waayo awoodda, maamulka, iyo xukunka dalku waxa uu gacanta ugu jiraan dalka wax gumaysta. Sidaas darteed, kooxda Somalia sheegata inay ka taliso maanta wax gacanta ugu jiraa oo la xidhiidha aayaha iyo matalaadda Somalia ma jiraan balse waxay marba fuliyaan danaha Ethiopia ka leedahay Somalia. Giddiigood waa dabadhilifyo ka dhintay damiirka wadaninimada Somaliyeed oo bariiska lagu siiyo Baydhaba lagana fushado marba wixii cadowga Ethiopia ka rabo. Dhammaan kooxdan sheegata madaxweyne, ra`iisal wasaare, xukuumad iyo baarlamaan taariikhda ayaa baal madow ku qoridoonta, sida ay haddaba ugu qortay in badan oo iyaga ka mid ah, haddii aanay dhakhso ugu biirin halganka hubaysan waxna ka xorrayn dhulka hooyo.

Cadowga Ethiopia, oo ay Somalia ku soo hoggaamiyeen kuwo leh diirka Somaliyeed xukun jacayl awgeed oo ay ku iibiyeen ciidii, dadkii iyo dalkiiba, waxaa dagaal hubaysan oo xoog leh kuna salaysan wadaninimo iyo islaamnimo kula jira ubadka Somaliyeed ee ka dhiidhiyay cadowga gumaysiga Ethiopia oo ummadda iyo dalka Somaliyeed ku haya tacadiyo fool xun, sharaf-xumo iyo dullinimo aan hore taariikhda u soo marin. Xoogagga Xorraynta Somalia oo taageero weyn ka haysta ummadda Somaliyeed kana shidaalqaadanaya geesiyaashii Somaliyeed ee qarniyaasha ka horjoogay kana difaacayay Somalia hororka cadowga Ethiopia ayaa waxay dagaal joogto ah habeen iyo maalinba ku jiraan cadowga dalka qabsaday waxaana soo ifaysa xornimadii iyo sharaftii ummadda Somalia.

Ehtiopia waa cadowga 5ta Somaliyeed waxaana waajib ku ah dhammaan ummadda Somaliyeed ee ku nool Geeska Afrika iyo dibedaba inay ka wada qaybqaataan xorraynta Somalia si loo soo cesho sharaftii iyo haybadii ay Somalidu ku lahayd Geeska Afrika. Shaki kuma jiro in Somalia dhakhso u xoroobi oo cadowga iyo dabadhilifyada u adeega la jebin lalana xisaabtami. Taariikhda Aadanuhu waxay caddaynaysaa inaan gumaysina ummad diidan haysankarin ama xukumikarin. Saxaafadda Somalia waxay inteeda badani mudantahay sharaf iyo magacweyn sida weyn ee ay u garab taagantahay Halganka hubaysan iyo ummadda Somaliyeed ee kuj ira dagaalka xorraynta. Waxay adduunka markasta u bandhigtaa tacadiyada cadowaga aargoosiga,\n dhuldoonka, iyo bad-doonka u yimid iyo dabadhilifyada u adeegga. Waxay la socodsiisaa ummadda Somaliyeed guulaha halganka hubaysan iyo jabka cadowgga iyo dabadhilifyadiisa markastaba. Waxaanse u sheegayaa saxaafadda Sodmaliyeed iyo dadka Somaliyeed, meelkastaba ha joogee, in Somalia maanta ku jirto gacanta gumaysiga cadowgga Ethiopia, dal gumaysi ku jirana aanu yeelankarin madaxweyne, ra`iisal wasaare, xukuumad, iyo baarlamaantoona sababta kor ku xusan awgeed. Sidaas awgeed waxaan saxaafadda iyo dadka Somaliyeedba ka codsanayaa meelkasta ha joogeen in aan marnaba la dhihin ama la qorin: Madaxweynaha Somalia,xukuumadda Somalia, ra`iisal wasaaaraha Somalia iyo baarlamaanka Somalia waayo waxay jaahwareerin iyo hoosaasinba ku tahay ummadda iyo halgankeeda hubasayn ee lagu xorraynayo Dalka balse la dhaho kooxda u adeegta ama dabadhilifka u ah Ethiopia. Dalka dadka Somaliyeed ayaa iska leh, aqoonsiga dawlad dabadhilif u ah cadow qiimo ma leh, rabitaanka ummadda\n ayuunbaa hirgala. Kuwa madaxda sheeganaya iyo ciidankooduba waxay dabadhilif u yihiin cadowgga Ethiopia ee dalka Somalia haysta waxayna la dagaallamayaan gobanimadii, xornimadii, sharaftii iyo haybadii ummadda Somaliyeed. Giddigood waa damiir laawayaal ka arradan wadaninimada iyo islaamnimadaba. Lama arag taariikhda duul baarlamaan sheeganaya oo jagooyin wasiir oo aan jirin gumaysina u taliyo ku dagaallamaya iyaga oo dalkoodii la haysto halkii ay halganka hubaysan ku biiri lahaayeen oo dalkooda wax ka xorraynlahaayeen. Waa gef ummadda iyo dalka Somalia laga gelayo haddii kooxda daba-dhilifka u ah Ethiopia loo maamuuso loona sheego sidii dawlad dhab ah oo madaxbanaan. Guul Somalia leh, jabweynna waxaa leh cadowgga Ethiopia iyo dabadhilifyadiisa (In shaa Allaah)."

Ehtiopia waa cadowga 5ta Somaliyeed waxaana waajib ku ah dhammaan ummadda Somaliyeed ee ku nool Geeska Afrika iyo dibedaba inay ka wada qaybqaataan xorraynta Somalia si loo soo cesho sharaftii iyo haybadii ay Somalidu ku lahayd Geeska Afrika. Shaki kuma jiro in Somalia dhakhso u xoroobi oo cadowga iyo dabadhilifyada u adeega la jebin lalana xisaabtami. Taariikhda Aadanuhu waxay caddaynaysaa inaan gumaysina ummad diidan haysankarin ama xukumikarin.

Saxaafadda Somalia waxay inteeda badani mudantahay sharaf iyo magacweyn sida weyn ee ay u garab taagantahay Halganka hubaysan iyo ummadda Somaliyeed ee kuj ira dagaalka xorraynta. Waxay adduunka markasta u bandhigtaa tacadiyada cadowaga aargoosiga, dhuldoonka, iyo bad-doonka u yimid iyo dabadhilifyada u adeegga. Waxay la socodsiisaa ummadda Somaliyeed guulaha halganka hubaysan iyo jabka cadowgga iyo dabadhilifyadiisa markastaba.

Waxaanse u sheegayaa saxaafadda Sodmaliyeed iyo dadka Somaliyeed, meelkastaba ha joogee, in Somalia maanta ku jirto gacanta gumaysiga cadowgga Ethiopia, dal gumaysi ku jirana aanu yeelankarin madaxweyne, ra`iisal wasaare, xukuumad, iyo baarlamaantoona sababta kor ku xusan awgeed. Sidaas awgeed waxaan saxaafadda iyo dadka Somaliyeedba ka codsanayaa meelkasta ha joogeen in aan marnaba la dhihin ama la qorin: Madaxweynaha Somalia,xukuumadda Somalia, ra`iisal wasaaaraha Somalia iyo baarlamaanka Somalia waayo waxay jaahwareerin iyo hoosaasinba ku tahay ummadda iyo halgankeeda hubasayn ee lagu xorraynayo Dalka balse la dhaho kooxda u adeegta ama dabadhilifka u ah Ethiopia. Dalka dadka Somaliyeed ayaa iska leh, aqoonsiga dawlad dabadhilif u ah cadow qiimo ma leh, rabitaanka ummadda ayuunbaa hirgala. Kuwa madaxda sheeganaya iyo ciidankooduba waxay dabadhilif u yihiin cadowgga Ethiopia ee dalka Somalia haysta waxayna la dagaallamayaan gobanimadii, xornimadii, sharaftii iyo haybadii ummadda Somaliyeed. Giddigood waa damiir laawayaal ka arradan wadaninimada iyo islaamnimadaba. Lama arag taariikhda duul baarlamaan sheeganaya oo jagooyin wasiir oo aan jirin gumaysina u taliyo ku dagaallamaya iyaga oo dalkoodii la haysto halkii ay halganka hubaysan ku biiri lahaayeen oo dalkooda wax ka xorraynlahaayeen. Waa gef ummadda iyo dalka Somalia laga gelayo haddii kooxda daba-dhilifka u ah Ethiopia loo maamuuso loona sheego sidii dawlad dhab ah oo madaxbanaan. Guul Somalia leh, jabweynna waxaa leh cadowgga Ethiopia iyo dabadhilifyadiisa (In shaa Allaah).

Qorto: Sahra Hassan,

USA

No comments: