Saturday, December 08, 2007

Horumarinta sool iyo sanaag bari waa ku waajib qofkasta oo reer Somaliland ah.

(Waridaad) -
BAAQ
Xaqiiqadii way fududahay sida guul ilaahay kuusiiyo mararka qaar waxase muhiim ah haddii ilaahay ku siiyo guul waliba si dhib yar kuu siiyo inaad keento maskaxdii aad ku haysan lahayd guushaa ama ku ilaashan lahayd nimcadaa ilaahya ku siiyey.

Guusha Somaliland u soo hoyatay ee gacanta uga soo gashay gobolka sool dhamaantii iyo sanaag bari oo hore gacan cadaw ugu jirtay waxay u baahantahay marka hore in ilaahay loogu mahadnaqo, mar labaadka waxay u baahan tahay in si gaara loogu mahad naqo ciidanka qaranka ee horseedka ka ahaa guushan, mar saddexaadka waxa mahad mudan reer sool oo si mugleh uga qayb qaatay.

Waxan kaloo la dafiri Karin sida dhamaan shacabka reer Somaliland isaga oo aan u kala hadhin gudo iyo dibedba ay uga qayb qaateen hiil iyo hooba.wixii ay walaalahood ku taageeri lahaayeen.

Waxan hadaba mar labaad ugu baaqaynaa qurba jooga reer Somaliland inay hawsha inta kaga beegan si cilmiyaysan oo mug leh uga qayb qaataan oon hagrasho lahayn, si wadajir ahna ay uga hawl galaan sidii ay walaalahood ula qaybsan lahaayeen dhibta lafajebiska ah e soo gaadhay intii ay gacanta cadawga hoos joogeen..

Haddii aannu markaas nahay Xisbiga Kulmiye annaka oo ah xisbigii ugu horeeyay e ku dhawaaqa kana hawlgala sidii dhibaatada gobolada bari loogu maamuli lahaa talo heer qaran ah, waxanu halkan ka caddaynaynaa in aanu gudo iyo dibedba ka midaysannahay qorshe iyo siyaasad cadna ka leenahay sidii hagrasho la’aan arrintan loogu xallin lahaa. Gaar ahaan haddii aannu qurbajoogga Kulmiye nahay waxannu xil gaar ah iska saarnay Ilaahayna tawfiiq nagu garab galay in aanu si mug iyo baaxad weyn leh uga qayb qaadanno taakulaynta iyo tabarucaadka wax loogu qabanayo dhibaatadana lagaga kor qaadayo dadkeenan tabaalaysan e ku dhaqan gobolada Sool iyo Sanaag Bari.

Kulmiye arrinkan waxa uu u arkaa arrin QARAN,waxana aanu qabnaa in heer Somaliland oo isku duuban wax lagaga qabto, islamarkaasna waxanu talo ahaan usoo jeedinayaa in arrintu miisaanka ay leedahay la siiyo ayna ahaato mid ka sarraysa xagaysi xisbi ama mid laga doono manfac gaar ah oo ama xisbi gaar u suntado ama cid gaar ihi ay madaxa iskaga duubto.

Warxume tashiilku meel walba wuu joogaaye, haddii warar ka duwan kuwan aannu kor ku xusnay la isku dayay in maskab siyaasi ah laga doono, xalaal iftin ayaa la qashaaye, Kulmiye warkiisu waakan aannu mar labaad shaaca ka qaadnay, waana kii hore e aannu hadh cad ka badheedhnay xilkeeda iyo mas’uuliyadeedana aannu qaadannay.

Waxa ay arintani markhaati ka tahay in haddii qaranka Somaliland hawl loo wada dhan yahay jirto ama timaaddo in Kulmiye diyaar u yahay inuu ka qayb qaato wada shaqaynteeda isaga oon cidna ku halayn.
.
Islamarkaasna waxay arintani quus gooyo iyo qaawin u tahay qolyaha maan gaabka ah ee ibriiqa ku faafiya in Xisbiga Kulmiye is hortaago ama dabar dambeedo hawl qaran.

Waxa xusid mudan in aanay ahayn markii ugu horraysay e xukuumaddu ay ku baaqdo waxqabad iyo waxtar ku wajahan gobolada bari,. Tusaale waxa innooku filan markii miisaaniyadda dawladda 2% loogu daray horumarinta gobolada bari e Burco ay kow ka ahayd. Lacagtaas oo aan shilin kow la yidhaahdaa ka gaadhin Burco iyo Bari toona, waynu wada ogayn welina shacabku wuu xasuusanyahay sidii foosha xumayd e xukuumaddu ay ugu fashilantay uguna guuldaraysatay suurto gelinta ballanqaadkeedii iyo fadeexadda ay ka qaadday.

Waxannu markaas talo ahaan ugusoo jeedinaynaa guddida qaran e loo magacaabay hawshan maanta inalasoo deristay inay feejigo dheeraad ah ka yeeshaan in aanay hab maamulka iyo dhaqan galka arrintani lamid noqon kuwaas hore e aynu kor ku xusnay oo kale.

Waxa aan baaqan ku soo afjarayaa: reer Kulmiye hawsha dhinacoodii way ka hayaan ee ninkii daawanaayow waa dalkaagii.

Waxan mar sadexaad iyo mar afraadba qurba jooga reer kulmiye oo ah qurba jooga ugu badan ee ku nool qurbaha ugu baaqaynaa inay hawshan meel kastay joogaan sidii looga bartay e hagar la’aanta ahayd uga qayb qaataan islamarkaasna hormood uga noqdaan guddiyada xilkan ka hawl gelaya.
Ilaahaybaa mahad leh

Ahmed Cilmi Bare
G/kuxigeenka gudida fulinta kulmiye UK

No comments: