Sunday, December 09, 2007

Sheeko leh Madadaalo, Murugo, Yidiidilo, Guul, iyo Faan Weyn oo Ku Saleysan Taariikhda Somaliland

(Waridaad) - Afeef: qoraalkan, ma’aha mid aan cilmi baadhis ku sameeyey ee waa mid igu dhashay inaan dhinacan fanka iyo madadaalada aan taariikhdan dheer ee aan la soo koobi karin aan sidatan ee aan hore loogu dhigin aan ugaga faaloodo kaasoo ku saleysan xaqiiqda jirta ee la wada og yahay. Fanaaniinta sharafta leh ee qadarinta inaga wada mudana, waxaan halkan ugu soo qaatay madadaalo iyo kaftan ahaan iyo inaan ku halqabsado kuwaasoo qaar ka mid ah heesahooda aan jeclahay ee gef ulama jeedo ee la socda; Haddii sidatani gef ku tahayna, ha iga raali noqdeen xumaan ugama jeedo’e. Sidoo kale, shimbiraha aan halkan ku magacaabay ee midabada badan lehina, waxaan ula jeeda Reer Somalia ama Walaweyn.

Waxa kale oo aan akhristayaasha la socodsiinaya in sidatan aan wax u turjuntay, ay mar sheeko caadiya la moodi doono; marna taariikh si kale loo dhigay ama dhinac kale laga eegay gaar ahaan dhinaca fanka idiin noqon doonto; marna madadaalo farxad idin gelisa idiin noqon doonto; marna ay cadho iyo murugo idin gelin doonto; marna rajo iyo yidiidilo idin gelin doonto; marna faan weyn idiin gelin doonto, iwm ee waa inaydun wada furataan dhamaan fiidhiyowyada aan halkan halkan idiinku soo gudbin doono kuwaasoo aan ku dabaqay sheekadan ee xiisaha, dhadhanka, iyo micnaha u yeelaysa; waana inaydun kaashataan fikirkiina si sheekadan dareenkeedu idiin soo gaadho (use your imagination to feel its effects).

Akhri maqaalkii oo dhan

No comments: