Sunday, December 02, 2007

In ka badan 400 oo qof oo ay ku jiraan Siyaasiyiin, Madaxdhaqameedyo, odayaal iyo waxgarad kale oo Isbeddel-doon ah xaflad weyn kaga dhawaaqay inay ku

(Waridaad) - Hargeysa (Somaliland.org) - In ka badan Afar Boqol oo Qof oo isugu jira: Madaxdhaqameedyo, siyaasiyiin, odayaal, aqoonyahanno, dhallinyaro, ganacsato iyo waxgarad kale oo ka kala yimi Gobolada Togdheer, Sanaag, Saaxil iyo Hargeysa ayaa maanta xaflad ballaadhan loogu sameeyey Hotel Maansoor, halkaas oo ay ku caddeeyeen inay ku biireen xisbiga KULMIYE.

Munaasibaddaas oo lagu magacaabay “Is-beddel-doonka Beelaha Garxajis” waxaa hoggaaminayey Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar, Suldaanka Guud ee Beelaha Galbeedka Burco iyo odayaal beeshiisa ka tirsan oo kala hoggaaminayey ergooyin beeshaas ah oo ka kala yimi Gobolada Togdheer, Saaxil, Sanaag iyo Hargeysa. Waxaana kala soo qaybgalay Hoggaanka xisbiga KULMIYE, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada oo ka soo kala jeeda saddexda xisbi iyo marti sharaf kale oo aad u fara badan. Ugu horrayn Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar oo xafladdaasi furay ayaa ku tilmaamay ujeeddada xafladdaas mid ay ku midoobayaan Xisbiga KULMIYE iyo beelaha Garxajis ee Isbeddel-doonka ah.

Sii akhri maqaalkii oo dhamaystiran

No comments: