Sunday, December 02, 2007

Qabashadii Laascaanood ay u qabatay Puntland oo bishan afarteedda ku eeg

(Waridaad) - Cade Muse iyo Golaha barlamaanka Puntland oo bishii November 4teedii u qabtay inay kula wareegayaan Laascaanood sodon cisho gudahood, ka dib markii ciidamadda Somaliland ka buufisay meleeshiyaddii majeerteeniya oo ku eeg December 4teeda, ayaan ilaa iminka wax war ahi ka soo bixin.

Waxaa la filayaa haddii go'oonkii ay isku raaceen nidaamka majeerteeniya dhab noqon waayo, inuu Cade Muse iyo taliskiisa laga wareejin doono xukunka. Ilaa iminka wax war ah oo ku saabsan arrinkaas kamuu soo bixin Garoowe.

Su'aasha meesha taala waxay hadda u eegtahay, ma ka dhabayn doonaan labadaa arrimood mid uun, mise siddii hore ayey arrintu isugu soo arroori doontaa. Sidda dhabta ah ilaa iminka weli lama hayo Puntland oo hirgalisa hanjbaadaha ay ku faafiso mareegahooda runta ka fog ee isir-raaca ah.

Balanteenu waa bisha afarteeda iyo saddex alifle Cadhays waxa uu la soo baxo. U fiirsoo iminka Cadhays wuxuu ku labisanyahay General kaas oo Cade Muuse ku taxay xidigo aan la garanayn meesha uu ku mutayastay ninkaa isaga ahi. Taasoo ina xasuusinaysa tii taliskii Afweyne uu ku taxi jiray xidigo inta ay isku reerka yahiin, iyadoo keentay in la aamini waayo darajaddii markii ay qaraxday.

Waridaad media centre

No comments: