Thursday, December 20, 2007

Ku qosle kabtan kufay

(Waridaad) - Qof kasta oo qaan gaadh ahaa markii taliskii Siyaad Barre dalka ka amar ku taagleynayey wuu xusuusan karaa ereyadan caan baxay ee aan u soo qaatay mawduuca qoraalkaygan. Waxay ku baxday eedeyn lagu xukumay muwaadin dalka u dhashay oo marmarsiinyo loo rabey si loo xidho. Maxkamadii faqashta markii la soo hor joojey muwaadinka hafarka lagu watey ayaa xeer-Ilaaliyihii kiiska ku oogayey ydihi, Ninkani waxa uu ku eedeysanyahay isaga oo ku qoslay sarkaal kabtan ah oo kufay. Maxkamaddii ma odhan hadduu sarkaalku kufay muxuu u kici waayaye, ninkii ayay xukuntay oo jeelkaa loo diray. Ninkii inuu badbadey iyo inuu ku nafbaxay jeelka lama ogga. Xeer-Ilaaliyaha maanta u yeedhaya Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Md. Cabdicasiis Samaale dembiga uu u hayaa waa Ku Qosle Kabtan Kufay.

Aan is weydiino maxay iska shaabahaan xeer -Ilaaliyaha dacwada hore watey iyo kan maanta u yeedhaya Md. Samaale.

1. Garsoor aan madaxbanaanayn oo Madaxweyne keliya u xidhan oo waxa u rabo iyo sida uu u rabo maxkamaduhu u fuliyaan.

2. Aqoonyahano shahaadado iyo khibrad u leh sharciga. Kuwan maxkamadaha inoo fadhiyaa waa jiidha yaal.

3. Garsoorayaasha iyo xeer-Iaaliyaasha oo markuu Madaxweynuhu doono uu eryi karo sidaa darteed uu soo naqaysto kuwa uu kalsooni ku qabo oo aan waxba ka diidayn.

4. Garsoore aan walaacin oo ku dhiiran waxa uu Madaxweynuhu doonayo si yarna ugu dhawaaqa dilka iyo xadhigga. Kuwii hore qaar ka mid ah ayaa weli sii fadhiya maxkamadaha Somaliland siiba Hargeysa.

5. Markhaati been ah oo iska diyaar ah mar kastoo loo baahdo. Waa nabad sugidda iyo CIDda oo maxkamadda soo dhooba damiir laawayaal ereyo la soo qaybsiiyey oo iska jeexsiiya waxay ogyihiin iyo waxaanay ogeynba.

6. Shacab hurda dheer ku jira oo ay ninba maalin ku imanayso balse aan talo mideysan ka lahayn sidii cadaalad daridda loo cidhib tiri lahaa.

Markii iigu horreysey ee aan arko nin markhaati been ah ku furayo nin dil loo soo taagey maxkamad waxay ahayd xilligii Siyaad Barre. Goobtaa sheekadeedu waa dheertahay ee aan kaaga soo qaado in yar. Ninka markhaatiga beenta ah furayey ayaa yidhi, waan garanayaa ninka dembiga geystey oo aniga ayaa gacantayda ku soo qabtay oo waxaan watey ciidankii dembiilaha gacanta ku soo dhigay. Dabadeed, garyaqaankii uu doodayey eedaysanaha ayaa ninkii beenlaws ku yidhi nimankaa badan eeku jira qafaskaa ka soo saar ninka aad garanayso. Nin kale oo aan ahayn kii dembiga lagu watey ayuu yidhi, Waa kan. Inta aan naxay oo dareenkaygu ila hadlay baan hoosta ka idhi, Ilaahow markhaati been ah iguma ogid. Naftu ka baxday ninkaa beenlaws waxa uu ka tirsanaa NSSta oo soo diyaarisay in ka badan 50 dayuus.

Kuwaa kuwa la mid ah ama kaba daran ayaa maantana laga adeegsadaa maxkamadaha dalka. Tifatiraha Jamhuuriya ee dhowr iyo tobanka jeer la xidhay mar kasta CID ayaa been u maleegaysey. Yuusuf cabdi gaboobe, tifatiraha Haatuf iyo weriyayaashii kale waxa la soo diyaarsaday koox CID ah oo isku maxadad ka hadlaya. Boqor Buur Madow, suldaan Cismaan Suldaan cali, Gaboose, Maxamed xaashi, jamaal Caydiid xadhiga lagu fuliyey waxa uu ahaa been la dhoo-dhoobay balse loo adeegsadey qaar aan markhaati gelin oo xag Ilaahay iyo xag aadmiba ka xujeysan.

Taariikhdu waxy ina baraysaa in noloshu ku salaysantahay Nabad iyo Cadaalad. Ma kala maarmaan oo haddii mid ahaan la waayo ta kale ma raaqdo. Nin cadaaladda u sheegayey dadka qiimaha ay leedahay ayaa yidhi, “ Rag cadaalad waayey sidii Cawsha kala yaac”. Ujeedadu waa iska cadahay oo waa amaan daraa ka dhalata haddii garsoorku ama lumo ama leexdo.

Shacabka Somaliland ee arkaya xeerkii lagu heshiiyey oo nin keliya gacanta u galay siduu doonana ugu takri falayo ha ogaadeen in berri ay nin kasta hurantahay maxkamad la soo hor taago oo lagu eedeeyo Ku qosle Madaxweyne, Wasiir ama xoghayaha udub oo uu ku qoslay.

Cabdi X. Ciise
Abu Dhabi

No comments: