Thursday, December 20, 2007

Madaxweynuhu Ma Xaaskiisuu Madaxweyne u yahay mise ummadda Somaliland oo dhan?

(Waridaad) - Waxaa jirtay in inbadan lagu muransana gobolka Sool, oo aay ku murmayeen maamul goboleedka Majeerteeniya iyaga oo ku doodayey Isir sheegasho oo ay lahaayeen waxan isku Isir nahay dadka dega gobolka Sool, iyada oo gobolka Sool yahay Somaliland oo aanu marnaba geli karin muran.

Haddaba Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo tixgelinaysa shacabka degan gobolka Sool oo ayna rabin inay dhibaato gaadhsiiso ayaa waxay siisay wakhti aad u badan in iyagu ku gartaan meesha dani ugu jirto iyo in ayna marnaba gobolka Sool ka go’i karin Jamhuuriyadda Somaliland.

Nasiib wanaag, way garteen shacabkii reer Sool dantoodii waxana hadda gacanta ku haya Sool, kana taliya Jamhuuriyadda Somaliland, halka ciidanka qaranka ee Somaliland ee joogo jiidda hore ee gobolka Soolna ay qarka u saaran yihiin inay soo sugaan xuduudka Somaliland ee dhinaca Garoowe.

Haddaba, waxa soo gaadhay reer Sool qax iyo baqdin badan oo loo baahan yahay in dib dadkii loo dejiyo, lagana saaro werwerka ay ka baqayaan dagaalo kale iyo in dib loo dhiso oo mamulka cusubi uu muujiyo wax dadka shacabka ahi ay arkaan oo soo jiita indhahooda, kagana soo kabto dib u dhicii ku yimi gobolkaas dhinaca maamulka iyo adeegga guud ee bulshada muddadii maamulkiisa lagu muransanaa. Dib u dhiska Sool ayaa la sheegay in uu u baahan yahay dhaqaale aad u badan, kharashkaas oo xukuumadda Somaliland sheegtay in ayna awoodi karin, maadaama Somaliland tahay waddan yar oo aan weli la ictiraafin oo dhaqaalaha soo galana uu aad u yar yahay. Sidaa darteed, waxay u soo bandhigtay shacbiga inay ka qaybqaataan. Waxaana hawshaa u guntaday, kuna balanqaaday in ay gacan wayn ka geystaan qurbajooga reer Somaliland oo aadna ugu ololeeya.

Haddaba, iyada oo ay taasi jirto ayaa waxa soo baxay dhinaca kale, in hadda Madaxwayne Rayaale dhisanayo guri 5 dabaq ah, kuna kacaya dhowr Boqol oo Kun oo Dollar. Waxaa aad loola yaabay Rayaale marka uu leeyahay waxba ma hayo oo waddanku dhaqaale malaha oo ma caawin karo Sool ee haloo soo baaheeyo gurbajooga iyo dadka masaakiinta ah ee Illaahay xaalkooda ogyahay ee dalka jooga iyo marka uu leeyahay gabadhayda ayaan qasri u dhisayaa markee ayuu saxsan yahay? Mise reerkiisa ayuu u yahay Madaxwayne oo shacbiga Somaliland uma aha? Arrinkaasi aad buu dadka qurba joogga ah uga yaabiyey. Waayo, hantida uu Madaxweyne Rayaale qoyskiisa ugu dhisayo Qasriga ee uu kala masuugey reer Sool waa hantidii ummadda ee loogu talagalay in ummadda wax loogu qabto, iyada oo ummadda reer Somaliland meelkasta oo ay joogto isku mid tahay oo midna mid aanu ka xaq badnayn, haddana in la yidhaahdo qaarna dhulka halagu xaadho, qaarna qasriyo halo dhiso waa wax aad u cajiib ah.

Hase yeeshee, qofkastaba waxa galabsado uunbaa qalinka loogu qori. Riyaale wuxuu caadeystay in uu reerkiisa uun u yahay madaxwayne ee aanu u ahayn ummadda reer Somaliland. Ma wuxuu garan waayey Rayaale, bal dib u eeg madaxwaynihii ka horreeyey ma dhistay Qasri? Marwadii uu ka dhintay madaxwayne Cigaal Allah ha u naxariistee, ma haysato guri keliya oo uu uga tegey, waa la ogaa sidii Madaxtooyada dibadda loogaga tuuray, meelna lama dejin, iyadaana xaq u leh haddii qof loo dhisayo guri oo uu ka dhintay madaxwayne waddanka qiimo ku lahaa.

Haddaba, waxa haboon in arrinka ay dib u eegaan shacbiga reer Somaliland oo ay markasa u hiiliyaan cadalada, cadalad daradana aay ka dhidhiyaan, kana dagalamaan, oo ayna u dulqadan dulmiga lagu hayo umada reer somaliland iyo keligitalasnimada ina Riyaale.

Khadra Warsame,

Cardiff, UK

No comments: