Wednesday, December 26, 2007

Maamulkii Puntland oo shuftonimo cadaysatay

(Waridaad) - Labo sarkaal oo ka mid ah shaqaalaha caalamiga ah ee u shaqeynayay hey'adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa lagu afduubay maanta Is maamul goboleedka Puntland.

Labada shaqaale ee MSF oo ahaa dumar u kala ahaa Mercedes Garcia iyo Pilar Bouza una dhashay dalalka Argentine Iyo Spain ayaa lix nin oo hubeysan ay afduubeen, kadib markii ay joojiyeen bas yar oo ay ku safrayeen.

Qof tarjumaan u ahaa iyo darawalkii ayaa dableydu u ogolaadeen inay iska baxaan.

Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in ciidamada nabadgelyada ay u direen halkaasi si ay u helaan shaqaalaha la afduubay.

Wararkii u danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada nabadgelyada iyo kooxda wax afduubay ay is weydaarsadeen rasaas, iyadoo laba ka mid ah kooxdaasi ay ciidamadu gacanka ku dhigeen.

Weriye u dhashay Faransiiska ayaa isla gobolkaasi Puntland lagu afduubay bartamihii bishan, laakiin markii danbe la sii daayay toddobaad kadib.
Afduubka ayaa ku sii kordhayay gobolka Puntland muddooyinkan danbe, iyadoo xeebaha deegaankaasina ay u noqdeen saldhigyo kooxaha burcad badeedka ah.

Xigasho: bbc.com

No comments: