Tuesday, December 25, 2007

Wasiirka wasaaradda warshadaha S/land Maxamed Saleeban ayaa beeniyey balan qaadkii xukuumada saddexda warshadood ee laga hirgalinayey Berbera

(Waridaad) - Wasiirka Wasarada Warshadaha S/land Maxamed Saleeban Maxamed ayaa ku tilmaamay balan qaadkii xuukamada ee saddexda warshadood ee laga hirgalinayo Berbera mid male awaal ahaa.

Waxa uu wasiirka Warshadaha S/land Maxamed Saleebaan weyne sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargaysa waxa kale oo uu shirkaasi jaraa’id ku sheegay in loo baahan yahay in ummada S/land ku midawdo sidii dalka loogu wada shaqayn lahaa ee la isaga wada kashan lahaa horumarka ay ummadu u baahan tahay.


Waxa uu wasiirku shirkaasi jaraa’id cambaarayn uga soo jeediyey bahda warbaahinta dalka oo uu ku tilmaamay mid aan la shaqaynayn maamulka dalka ka jira waxaanu xusay in warbaahinta looga baahan yahay inay wax badan indhaha ka qarsadaan oo aanay baahinin. Isagoo ku tilmaamay warbaahinta qaar ay wadaniyadu ka dhimatay.

Waxa uu Wasiirka Warshadaha Somaliland Maxamed Saleebaan Weyne soo jeediyay in qadiyada Gobolka Sool iyo sidii loo xoojin lahaa dedaal wayn lagagalo balse Wasiirku waxa aanu indhaha ka qarsan oo uu markii ugu horaysay si cad u sheegay inay mala awaal ahayeen saddexdii warshadood ee Madaxweynaha Somaliland dhagaxdhigay ee uu sheegay in laga dhisayo duleedka Berbera kuwasi oo kala ahaa Warshada Sibidhka,Warshada jibsinta iyo Dhuxulsha isla markaanu madaxweynuhu ku balanqaaday in dhismahooda la hirgalin doono bishoo ramadaan ee la soo dhaafay.


Waa markii ugu horaysay ee masuul sare oo xukuumada ka tirsan sheego in balan qaad malo awala ay umada u sameeyeen.


Source:waaheen.com

No comments: