Tuesday, January 01, 2008

New Year Eve Message from Dr. Gabose

(Waridaad) - Idinkoo mudan naga aqbala mahadnaq ballaadhan dadaalkii cuslaa ee aad u gasheen u hiilinta xaqa iyo mabaadi'da Dimuqraadiga, anagoo ku rajo-weyn in aydun ka hadhaynin inta la heleyo xuquuqda aasaasiga ah ee nala ka hortaagan yahay oo ah in la ogolaado in ururada siyaasadeed ka qayb qaataan loolanka dorashooyinka iyo siyaasadda wadanka sida Dastuurku damaanad qaadayo.

Muwaadin qudh ah oo si aan sharciga waafaqsanayn looga qaado xuquuqdiisa iyo xorriyaadkiisa aasaasjga ahi, waxay ka dhigantahay ayadoo dhammaan bulshada laga wada duudsiyey. Tacadiga nala kula kacay ma ahayn mid aanu ku mutaysanay dambi aanu ka galnay dadka iyo dalka (nabadda, xasiloonida ama sharciga) ee wuxuu ahaa mid siyaasadeed oo doorashooyinka soo socda la damacsan yahay in nala kaga reebo.

Anagoo (Madaxda Urur Siyaasadeedka Qaran) dembiga keliya ee naloo tirinayaa yahay doonista inaanu isticmaalno Xuquuqda iyo Xorriyaadka siyaasadeed ee noo damaanad qaaday Qodobka 23/3 ee Dastuurka iyo Xeerarka doorashooyinka dalkan.Article 23/3:-

All citizens shall the right to form, in accordance with the law, political associations", kaas oo bixinaya fursada in dad badani ka qayb-qaadan karo tartanka dorashooyinka.Nasiib-darro waxaa na horyimid maamul tiisu u caddahay oo aana ogolayn, in khilaafaadka iyo aragtiyaha kala duwan, xallintooda loo maro wada-hadal, isu-tanaasul iyo waxay danta Qaranku ku jirto, helayna shacbi gaajo iyo rajo-xumi badani la soo deristay.

President Franklin Delano Roosevelt said: "True individual freedom cannot exist without economic security and independence.

People who are hungry and out of job are the stuff of which dictatorships are made."Waxaanu indhaha bulsho-weynta caalamka ku guubaanineynaa inay hoos u eegaan arrinta meesha taalla oo hadii la ogolaadoo noqoneysa masiibo fool-xun oo wax badan wax yeeli karta geedi socodka Dimuqraadiyadda iyo wada tashigii naga dhexeeyay.Waxaan giddigiin Ilaahay idiin ka rajeynayaa in sanadka cusubi noqdo kii noo hagaagoo keena himiladii iyo midhihii aan wax badan sugeynay.

Gudoomiyaha Ururka Qaran

Dr. Mohamed Abdi Gabose.

No comments: