Tuesday, January 01, 2008

Nuxurka Hanjabaadda Cabdullahi Yusuf ee Sannadka Cusub

(Waridaad) - Bishan January 1dii ee sannadka cusub 2008 waxa uu Cabdullahi Yusuf, madaxweynaha Kooxda Embagathi,khudbad ka jeediyay magaalada Baydhabo ee Somalia oo uu kaga hadlay dagaaalada ka holcaya Mogadisho ee udhaxeeya Xoogagga Xorraynta Somalia iyo Ciidamada gumaysiga Ethiopia iyo inta u adeegta. Khudbadaas waxaa uu ku soo qaatay Gobolka Sool ee Somaliland katirsan waxaanu ku tiraabay in aanu marnaba yeelayn in dalka la kala gooyo, waxaanu u soo jeediyay Somaliland inay ka baxdo magaalada Laas Caanood haddii kale Somaliland la weerari doono xoogna looga saaridoono Laas Caanood.

Cabdullahi Yusuf marka uu hadaladaas ku tiraabayo laba waxba waa ogyahay. Waa midda hore ee, waa ogyahay inaanay jirin xuduud qabiil balse ay jirto xuduud dal,xuduudda dhexmarta Somalia iyo Somalilandna ay caalamahaan la sharci tahay dhammaan xuduudaha kala qaybiya dalalka Afrika oo ay sameeyeen dalalkii gumaysan jirayAfrika ee Reer Yurub, xuduudahaas oo dal kasta oo Afrika ah ay ku aqoonsadeen Qaramada Midoobay iyo dalalka caalamka qaranimada dal kastana ku salaysan tahay. Adduunka kama jirto mana dhacayso dal ummaddiisu ka koobantahay hal qabiil.

Waa midda labaadee, marka Cabdullahi Yusuf uu leeyahay dalka lama kala goynkaro waa ogyahay laftiisu in aanay wadaninimo ka ahayn kuna sifoobin waayo dalkii xortaahaa ee Somalia ayuu gacanta u geshay gumaysiga madowee Ethiopia isaga oo raadinaya aargoosi iyo xukun qabiil taas oo arrinta dambe fashilantay. Nin wadani ahi dalkiisa gumaysi gacanta uma gesho ee waa uu kadifaaca.

Dhinaca awoodda sheegashada Cabdullahi Yusuf uu leeyahay waxaan ku muquuninayaa Dalka Somaliland xoog,waxaan la soconnaa in aanu degmo keliya ka xukumin Somalia isla markaana aanu dad iyo ciidan toona gacanugu jirin balse uu naftiisa kala cararay dagaal ka xorraynta ee ka Socda Mogadiisho dantuna ku qasabtay in milliishiyada Tigreegu taangiyo ku ilaashaan Baydhaba. Nin aan xukun, ciidan, dal, iyo dad midna gacanta ku hayn ma laha awood uu wax ku muquuniyo ama ku weeraro Somaliland.

Haddaba maxaa ka keenay Cabdullaahi Yusuf hadalada noocaas ah? Waase maxay nuxurka ujeedada hadalkiisu? Waxaa ka keenay calaacal iyo catow, waxaa burburay gobolkii uu qabyaaladda ku saleeyay si loogu adeego jifadiisa una baxshay "Puntland" dabadeedna waxa uu waayay miliishiyadii uu ka soo daldali jiray Puntland kuna xasuuqijiray shacabka Mogadiisho oo eedda kala dhexdhigay ummadda Somaliyeed ee walaalaha ah. Nuxurka ujeedada hadalkiisu waxay weeye inuu isku gubo iskuna xasuuqo beesha Reer Sool. Beesha Sool waa ka digtoontahay arrintaas waayo taariikhda Cabdullahi Yusuf laguma yaqaan maslaxad iyo samo ka-talis waxaase lagu yaqaan aargoosi sumaysan oo wax isku guba.

Dawladda Somaliland marnaba oggolaan mayso in xilliganoo laga guuray qabyaaladda la isku gubo beel ka tirsandalka Somaliland wax kastana waa ay u huraysaa sidii shirqoolkaas foosha xun ee Cabdullahi Yusuf loo fashilin lahaa. Waxaa waajibka ku ah in xukuumadda iyo ummadda Somaliland oo isku duuban ay ka hortagaan daandaansiga iyo dhagarta Cabdullahi Yusuf iyo Puntland iyada oo isla markaana caalamka loo sheegayo in Cabdullahi Yusuf qaadi doono mas`uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhasha ku xad-gudubka xuduudda caalamiga ah ee Dalka Somaliland.

Qore: Ibrahim H. Gagale

Email: ibrahim_hg@yahoo.com

No comments: