Sunday, January 20, 2008

Guddiga Diiwaangelinta oo soo Bandhigay Qorshahooda ku Wajahan Tirokoobka Codbixiyeyaasha

(Waridaad) - Guddiga Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Somaliland, ayaa markii ugu horreysay soo bandhigay qorshahooda ku wajahan tirokoobka codbixiyeyaasha ka hor doorashooyinka soo fool leh.

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu Maanta soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Mr. Ismaaciil Muuse Nuur, kaas oo uu ku faahfaahiyey qorshaha hawlgalkooda la xidhiidha tirokoobka codbixiyeyaasha doorashooyinka ka hor inta aanay qabsoomin doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sannadkan 2008.

Warsaxaafadeedkaas oo faahfaahsanna waxa uu u dhignaa sedan:“Waxa waqti dhow waddanka laga hirgalinayaa diiwaangalin ka horraynaysa doorashooyinka foodda innagu soo haya, waa tan dawladaha hoose iyo ta Madaxweynaha.Waxa waajib qaanuuniya ka dhigaya diiwaangalinta xeerka lambarkiisu yahay 31/2007 ee uu Guddoomiyay Golaha Wakiilladu 09/06/07, Madaxwaynuhuna dekreeto ku soo amray 08/08/07. Xeerkan taariikhiga ahi wuxuu farayaa in dalka Somaliland aanay ka dhici Karin doorasho ilaa la hirgaliyo diiwaangalin.Sababaha kellifay xeerkan:-.....Sii Akhri

No comments: