Friday, January 18, 2008

QARAN PARTY PRESS RELEASE

(Waridaad) - Waxaan halkan ku ogaysiinaynaa dadwaynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba meelaha ay kala xidhiidhi karaan Wakiilada Ururka Qaran.

Waxaanu aaminsanahay in bulshada dhexdeeda ka soo bixi karaan hogaamiyayaal ka aragti iyo ficilba duwan kuwii hore, marka la helo in la diwaan geliyo ururo siyaasadeed oo saldhig u ah dimoqraadiyada salka ballaadhan. Waxaan halkan ugu baaqaynaa dadweynaha Somaliland meel kasta oo ay jooggaanba iney difaacaan xuquuqdooda dastuurku u damaanad qaadey oo ay diidaan masuuliyiin (madaxweyne) sharciga ka sareeya iyo garsoor aan dhexdhexaad ahayn ee sharci darro ugu adeega.

Waxaa naga go'an ilaalinta dastuurka iyo xorriyaadka asaasiga ah ee muwaadinka; sida xuquuqda siyaasadeed, xorriyadda dhaqdhaqaaqa, bannaanbaxa, ra'yi-dhiibashada, saxaafadda xorta ah, iwm. Waxaanu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulnay sidii khilaafka siyaasada ee waddanka maanta ka taagan loogu dhamayn lahaa wada hadal iyo wada tashi; sidii caadada u ahayd Somaliland.

Dhammaan dadweynaha Somaliland waxaan ku guubaabineynaa iney taageeraan Ururka Qaran; taasoo keenaysa dimuqraadiyad buuxda, oo ah dariiqa keliya ee lagu gaadhayo himiladii iyo midhihii loo soo halgamay.....Sii Akhri

No comments: