Wednesday, January 09, 2008

Maxamed Yuusuf oo Caawa ku geeryoodey Hargeysa

(Waridaad) - Waxaa caawa ku geeryoodey magaalada Hargeysa, Maxamed Yuusuf Cabdi oo ka mid ahaa Fannaaniintii waaweynaa ee reer Somaliland iyo aasaasayaashii fanka Soomaalida, si weyna looga yaqaanney dhulka Soomaalida oo dhan.

Alle ha u naxariistee, Marxuum Maxamed Yuusuf, waxa uu caawa fiidkii ugu geeryoodey magaalada Hargeysa xanuun uu beryahan dambe u jiifey, isaga oo 66 jir ah.

Marxuum Maxamed Yuusuf, waxa uu ahaa heesaa iyo Jilaa caan ah, isaga oo ka mid ahaa aasaasayaashii Fanka Soomaalida iyo fannaaniintii ugu horreysey ee ka soo daahirtay carrada Soomaalida. Waxa uu ka mid ahaa Kooxdii la odhan jirey Walaalaha Hargeysa.....Sii akhri

No comments: