Wednesday, January 09, 2008

War-bixin ku saabsan waftiga Soomaaliland iyo halka uu marayo

(Waridaad) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa Maanta waxa House of Lords ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Africa, Asia, UIN-ta iyo Arrimaha Debedda iyo Ururka Barwaaqo Sooranka Mr. Lord Malloch Brown, Minister for Africa, Asia and the UN, Foreign and Commonwealth Office, Wasiirka oo ay weheliyeen xubno sar sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Ingiriiska waxay Madaxweynaha iyo weftigiisa, ka wada hadleen Xaalada Somaliland ee imika, isagoo Wasiirku u sheegay Madaxweynaha in uu Somaliland ka warqabo waxa u qabsoomay iyo halka laga soo qaaday, taasina ay tahay mid lagu faano oo mucjiso ah, taasi oo cid walibana ay ugu hayso ixtiraam.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa Wasiirka iyo Masuuliyiinta uga mahadceliyey soo dhaweynta fiican ee loo fidiyey taasi oo ay ka sinnaayeen min Safaaradda Addis Ababa illaa iyo Home Office-ku.

Madaxweynaha iyo Weftigiisu waxay ka wada hadleen, wixii ka qabsoomay kullamadii uu Madaxweynuhu sannadkii hore la yeeshey, Lord-kii ka horreey ee Lord Treisman, taasi oo Wasiirku u sheegay Madaxweynaha in wax qabsoomeen, wax kaloo badanina ay qabsoomi doonaan, Mustaqbalka dhaw. Kullankaasi oo Madaxweynaha ay kala qayb galeen, dhammaan Weftiga la socday iyo Safiirka Cusub ee Somaliland u fadhiya, Ingiriiska, Mr. Aadan Muse Jibriil, Safiirka ( Ambassador at Large) Mudane, Maxamed Aar iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Xafiiska Somaliland ee UK.

Waxa kaloo shalay Madaxweynuhu ku qaabilay Hudheelka uu deggan yahay, Xubno fara badan oo ka socda Axsaabta kala duwan, ee Dalka, kuwaasi oo ka mid ahaayeen, Xubno ka socda Xisbiyada Qaranka JSL.

Xigasho: Somalilandpatriots

No comments: