Thursday, January 10, 2008

Rayaale oo maanta booqday aqalka baarlamaanka Britain

(Waridaad) - “ Waan ku soo dhawaynaa wafdiga Somaliland UK, waanan hambalyaynayaa, waxaan samaynayaa wax kasta oo aan awoodno si waddamada la xidhiidhayo aanu gacan uga siino Horumarinta Caalamiga ah, maaha oo qudha Horumarinta Caalamiga ah, ee waxaanu gacan ka geysanaynaa dhismaha Hay’adaha Dimuqraadiga ah. “Raiisal wasaare Gordon Brown".

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo maalmahanba hawl shaqo ku joogay dalkan Britain ayaa maanta booqday Aqalka Baarlamaanka Britain oo maanta ay ka socotay dood balaadhan oo uu goob joog ka ahaa Raiisal Wasaaraha dalkan Britain

Mudane Gordon Brown, Wasiirro iyo xildhibaanada Baarlamaanka Britain.
Wafdiga Somaliland oo uu hor kacayay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Debada Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale, wasiirka Cadaalada Mudane Axmed Xasan Cali Casoowe, Wasiirka Caafimaadka Mudane Cabdi Haybe, Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Qaranka Mudane Axmed Xaashi Cabdi iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Ciise waxaa Aqalka Baarlamaanka kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan Baarlamaanka Britain oo taageera una ololeeya qadiyada Madaxbanaanida Somaliland oo sanadkii hore sameeyay Ururka Somaliland Parliamentary Group oo uu gudoomiye u yahay Mudane Alun Michael. “ Waxaad ogtahay in Madaxweynaha JSL iyo xubno ka socda Wasiiradiisu ay hadda booqasho ku joogaan Somaliland, Mudane, Raiisal Wasaare, Ma igu soo biiraysaa in aynu ku hambelyeyno Somaliland sidii ay u shaqeysay 18 sanno ee u dambeeyay si deggan, doorashooyinka Dawlada Hoose , Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Somaliland laga sameeyay taasi waa mid aad u adag marka loo qiyaaso dadka ku nool Koonfurta oo aan haysan dawlad xoog ah, iyadoo dhulkaasi ku jiro qas, Somaliland waxay u baahan tahay in adduunweynuhu xushmeyn u muujiyo.

Ugu horryan Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa lagu soo wareejiyay dhismaha iyo xafiisyada uu ka kooban yahay aqalka baarlmaanku, ka dibna waxa wafdigu uu shir la galay xubnaha Baarlamaanka ee taageera qadiyada Somaliland waxaana labada dhinac ay is dhaafsadeen warbixin kala duwan oo ku saabsan sida Somaliland iyo dadkeedu hore ugu sii socon lahaayeen una gaadhi lahaayeen yoolkooda ku aadan helitaanka Somaliland la aqoonsaday oo ay dadweynaheedu ku talaabsadaan horumar iyo badhaadhe.

Shirkaas ka dib ayaa Wafdiga Madaxweynaha si diirran loogu soo dhaweeyay Fadhiga guud ee Baarlamaanka si ay u dhegaystaan dooda Todobaadlaha ah ee dhex marta Raiisal wasaaraha iyo xubnaha baarlmaanka.

Mudane Alun Michael oo ka tirsan Baarlamaanka Britain lagana soo doorto magaalada Cardiff ayaa Raiisal Wasaare Gordon Brown waydiiyay su’aal ku saabsan siyaasada ay xukuumada Britain ugu talogashay Somaliland, isaga oo sidoo kale Mudane Alun Michael faahfaahin dheer ka bixiyay horumarka ay Somaliland iyo dadweynaheedu ay ku talaabsadeen, waxaa kale oo Mudane Alun xusay in Madasha Baarlamaanka ay maanta ku sugan yihiin wafdi ka socda Somaliland oo uu horkacayo Madaxweynaha Somaliland.
Raiisal wasaareha Britain Gordon Brown oo ka jawaabay su’aasha uu Alun Michal weydiiyay ayaa yidhi.

“Marka hore waxaan gacmo furan ku soo dhawaynayaa wafdiga Somaliland ee inala jooga, mar labaadka waxaan ku hanbalyaynayaa Somaliland iyo dadweynaheeda horumarka ay ku talaabsadeen, waxaa kale oo Somaliland aanu isla barbar taagi doonaa inaanu ka caawino dhinacyada horumarinta iyo dimuqraadiyada” ayuu yidhi Raiisal wasaare Brown.

Wafdiga Somaliland ee Madaxweynuhu hogaaminayo oo si aan nasasho lahayn u gudanaya waajibka qaranimo ee saaran ayaa waxay wali ku gudo jiraan hawlaha shaqo iyo diblomaasiyeed ee ay imika ku foogan yihiin.

Waridaad media centre

No comments: